Waa Magaala Caynkee ah Degmada Tariikhga ah ee Buraan(Muqaalo)

Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag ayaa ah Magaalo aad u Facwayn oo aan halkan lugu soo koobikarin tariikhdeeda,Waxaana Dhowaan Saxaafadu ka soo qaaday Muqaalo ka turjumada Baaxada iyo bilicda guud ee Degmada Buraan iyadoo iminka aan ku guda jirno buuq Ama dhambaalo tariikhi ah oo aan ka qorayna Tariikhda iyo Doorka ay kaga jidho Degmada Buraan ee Gobolka Sanaag Degmooyinka Wadanka somaliya. Buraan waxaa si toos ah loo degay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida tariikh yahanadii xiligaasi ka warqaban Mudo dhan 1Qarni ka Hor,Waxaana Magaca Buraan uu ka Yimid BURHAAN oo ah isha Biyuhu ka qul qulaan Ee Magaaladaasi,Waxaa Jira Fariisimo Ciidamada Siyadka iyo Weliba ataar Qadiim ah oo ilaa xiligaasi ilaa maanta la helayo,Sidoo kale Waxyaabaha laga xusuusto Buraan waxaa ka mid ahaa Khilaafkii Soo kala dhexgalay beelaha Majeerteen iyo Warsangeli ee Dubeys oo Wagaas deganaa Halkaasi oo Gar lugu kala helay degaankaasi iyadoo Boqor Maxamuud Cali Shire oo ahaa Hogaanka Gobolka Sanaag ee beelaha Warsanegli uu ku Garamay Debeena Dadkii gar qaybinayey ay ku kala bexeen Dadka ku aasan Qabuuraha Degaankaasi. NB-Tariikhda Buraan iyo Xog dheeraada ayaan waddanaa Markaa insha Allah waqti ayey Nugu qaadan waan soo gudbindonaa nala daawada Sawuradan oo ah kuwo Muujinaya Dhinacyada Horumarka Degmada Buraan ee Sanooyinkii la soo dhaafay sida goobaha waxbarashada iyo Meelo kale oo Magaalada Ka mid oo Horumar ka Muuqdo.

 

Comments are closed.

WARARKII