Abwaan Nuuradiin Xaaji Gacmo oo tiriyay Gabay Aan hore loo arag Shacabkana Kufarxeyn.

GABEY CUSUB (Kumel gaar wan ka gudubno,
Dowlad buux ban gaarne,
Gacmaha an Isqabsano.)

• Gacal iyo xigal ban naho,
• Stateyo ukala Go’imeyne,
• Gardaro dooni meynee,
• Gumeysi waan diidnoo,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Xasuus ma Guurta ah,
• Go’ankii 10 september,
• Codeynti Golaha shacabka,
• Gabalka ugu dhacey,
• Kumel gaar kaga gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Qof Garab kaga baahan,
• Waa loo Gargaaraayee ,
• Xooga dalka Gaashaman,
• Gurmad bey rabaanee,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Gefkaan sameyney iyo,
• Godob dib ha u eegine,
• nabad ban Gaaroo,
• Guusha aan hiigsanee,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Madaafiicda Goobtiyo,
• Gantaalo rido dheer,
• Hoobiya la isku Garaco,
• Fa’do laguma Gaaree,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarno,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Geesiyiin soomaali ah ba,
• u Geeriyoodey calankee,
• God baaxad yar iyo,
• U Galey iil mugdi ah,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Guud ahaan soomaaliya,
• Gees ilaa iyo gees
• Guryasan iyo nabad,
• Guule ha ina siiyee,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Guurtidaan laheyn,
• Geed hoostii bey
• Intey Gogol dhigtaan
• Talo ku Gorfeen jiren,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Maamul Gobolediyo,
• Shacab kala Go,an,
• Groupyo ukala degan,
• Colaad Guran weeyan,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Murti an la Gaarin iyo,
• Geesiyiin aan gaban,
• Sumcad gaar ah bey
• Dadka nagu gartaan,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Calankeena Goortii,
• Garabka lagu sidey,
• Gabey iyo jiifto,
• Geeraar loo tiriyoo,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Wabigii Ganaana iyo,
• Shabeelloo Garka,
• Biyihu Gaareen,
• Gaar ban u leenahoo,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Guud ahaan xoolaheena,
• Geel iyo ari qurxoon,
• Lo’ gaar ahaaneed,
• Dadka nagu gartaane,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Gacma wada jir iyo,
• Garaad wacan baa,
• Gayigii lagu dhaqaa,
• Nabad ku Gaadhaan,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Gacanteenii midig,
• Gunta ban ka jarno,
• Gaahi ban ku nolnaho,
• Iyo meel aan garaneyn,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

• Go;doon ban ku jirna,
• Xabsi baan Galnoo,
• Gaala iyo cadow,
• Baa nakala Geeyoo,
• Kumel gaar wan ka gudubno,
• Dowlad buux ban gaarne,
• Gacmaha an Isqabsano.

By Abwaan Nuurdiin Haaji “ Gacma”

Comments are closed.

WARARKII