Gabar aan qaan gaar ahayn ayaa waxaa madaxa ka jaray ehelkeeda waqooyiga dalka Pakistan, kadib markii sida la sheegay gabadhan ay diiday aroos si qasab ah gabadhaas loogu waday.
Gabadha ay dhibaatadaan ku dhacday ayaa waxaa lagu magacaabaa Gisa, waxaana qoorta looga jaray midi deegaanka Imam Sahib ee gobolka Kunduz khamiistii lasoo dhaafay, sidaas waxaa sheegay Saraakiisha Booliska deegaankaas.
Sidoo kale Saraakiishaas ayaa sheegay in gabadhan la bireeyay da’ahaan ay gaarayso 15 sano ayna ahayd gabar aan diyaar u ahayn in ay guursado.
Afhayeen uhadlay booliska ayaa sheegay in falkaas loo xiray labo Nin oo lagu kala magacaabo Sadeq iyo Massoud, kuwaas oo ku eedeysan in ay gabadhaas dileen.
Labadaas nin ayaa la dareensan yahay in ay ahaayeen qaraabadii ugu dhawaa ee gabadhan oo ay la nooleyd, waxaana loo malaynayaa in ay iyagu falkaas dilka ah gaysteen.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in mid kamid ah raga ka danbeeyay dilka gabadhan uu ahaa ninkii la doonayay in sida qasabka ah loogu guuriyo.
Aabaha gabadhan la bireeyay ayaa usheegay Wakaaladaha wararka inuusan doonayn in gabadhan oo wali da’yar si qasab ah loogu guuriyo nin aysan doonayn.
Dhibaatooyinka kadhanka ah dumarka gaar ahaan gabadhaha da’da yar ayaa sii kordhaya, iyadoona gabadhaha da’da yar lagu qasbo inay guursadaan iyagoo aan qaan gaarin, guurna aan diyaar u ahay, sidoo kale waxaa dhibaato la kulma gabadhaha la qabo.
Dalka Afghanistan ayaa kamid ah wadamada aan laga tixgelin gabadhaha oo laf dhabar u ah bulshada meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.