Amaan Darrada Muqisho Oo Sababtay In Dib Loogu Yeedho Xukuumaddii Wakhtigeedu Dhaamaday

Ammaan darada sii kordhaysa ee ka taagan Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Somalia, ayaa sababtay in Madaxweynaha cusub ee Somalia dib ugu yeedho Xukuumaddii wakhtigeedu dhamaatay ee Somalia, ka dib markii ay Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen dilalka qorsheysan iyo Weerarada ismiidaaminta ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Xukuumadda wakhtigeedu dhamaatay ee Somalia Cabdisamad Macalin Maxamuud, ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu ku shaaciyey in ay Xukuumaddoodii hore sii wadayso shaqada, ka dib markii Kooxda Al-shabaab ay ka faa’iidaystay wakhtiga kala guurka ah ee dalka Somalia ku jiro, isla markaana ay weeraro kala duwan oo dad badan ku dhinteen ay ka fulisay Muqdisho.

Cabdisamad Macalin Maxamuud waxa kale oo uu ku dhawaaqay qorshe cusub oo ammaanka Muqdisho wax lagaga qabnayo, isaga oo Hay’addaha Ammaanka ee kala duwana amar ku siiyey in ay wax ka qabtaan Ammaan darada ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi “Ciidamada waa inay shaqadooda sidii ay u gudan jireenwaajibkooda. Wasiiraduna waa in ay sii laba jibaraan dedaalkooda Illaa dawladda cusub laga soo dhisayo.

Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dil Mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia loogu geystay Habeen hore lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia Sodogii.
Afhayeenka dhinaca Hawl galada ee Kooxda Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegay in ay Kooxdoodu fulisay dilka Xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka cusub ee Somalia, isaga oo ku dooday in ay digiin u dirayaan xubnaha kale ee Barlamaanka Somalia, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xildhibaannada Baarlamaanka hore ayaa digniino u siinnay, waxaana uga dignay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka,”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Innaga ayaa dilnay xildhibaan Mustafe… Waxaana naga go’an inaan tooganno iyo saraakiisha Dawladda,”

Kooxda Al-shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey Magaalada Muqdisho ka geysnaysay dilal qorsheysan iyo weeraro ismiidaamin ah, kuwaas oo ay ku beegsanaysay Saraakiisha Dawladda Somalia iyo Weriyeyaasha ka hawl gala Magaalada Muqdisho.

 Buraannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII