Saraakiisha Ciidamada Amisom ayaa waxaa ay ka hadleen Dhacdadii Foosha Xumeyd ee shalay ka dhacday Deegaanka Janaay Cabdalla Ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo Askari ka tirsan Ciidamada Wadanka Kenya uu Dad rayid ah ku laayay halkaasi.
Col. Cali Aadan Xaamud Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan shacabkii shalay lagu laayay deegaanka Janaay Cabdalla ee duleedka magaalada Kismaayo.
afhayeenka waxaa uu sheegay in Amisom ay Marnaba raali ka aheyn leynta Shacabka Soomaaliyeed isla markaasina ay arintaasi ay tahay mid laga xumaado waxaana uu Tilmaamay in ay baaritaan ku sameyn doonaan qaabka ay wax u dheceen iyo Sababtii keentay in Askarigaasi in uu ku dhaqaaqo falkaasi Wuxuushimda ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Amiosm ay Mas,uuliyadda wixii ay geystaan oo dhibaatooyin ah ay qadanayaan waxaana sheegay in Amisom Soomaaliya ay u joogto in ay Caawiso Soomaaliya Balse aaney u joogin in ay Dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Kenya ayaa dhawaan ku biiray kamid noqoshada Ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Amisom waxaana Soomaaliya ay Yimaadeen Dabayaaqadii Sanadkii Hore xilligaas oo ay sheegen in ay Shabaab ka difaacayaan in ay dhibaateeyaan Shacabkeeda .