Guddoomiayaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa ku goodiyey inaanuu iska casili doonin labada Xil ee uu ahyo ee kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani.
Gudoomiy ceirro oo maanta ka hadlayey Munaasibd soo dhowayn ah oo uu Ururkiisu u qabtay soo dhowayn uu u saameeyey Urur-siyaasadeedkii hadhay ee Horyaal oo ku soo biiray, ayaa u soo jeediyey inay ama ku galaan sidaas ama ga hadhaan doorashada ragga eedaha u jeedinaya ee leh mid ha iska casilko, taas o ay muddooyinkii ugu dambeeyey ay u soo jedinayeen Uruurrada la tartamaya.
Guddoomiye Cirro isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi
” Anigu ( Cabdi Raxmaan Ciro) ah gudoomiyaha golaha wakiilada iyo gudoomiyaha ururka Wadani ayaan ka qayb galayaa tartanka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha deegaanka, iskamana casilayo, waayo labadan xil anigu shrci ayaan ku helay oo inta aan qori qaatay xoog kumaan soo dhacsan, ee sharci ayaan ku helay, markaa, waxaan uu sheegayaa ragga leh labada xil mid ha iska casilo, inaan iska casili doonin oo aan sidaas ku geli doono, markaa ninkii sidaas ku galowna ku gal kii aan ku galaynowna iskaga hadh” ayuu yidhiGuddoomiye Cirro
Buraannews.com/Hargeysa