Taliska ciidamada dowladda ee Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa wuxuu ka hadlay fal dil ah oo shalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geestay Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee saldhiga Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa wuxuu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen askariga falka dilka ah geestay.
Wuxuu tilmaamay inuu xiran yahay askarigaasi sidoo kalena dhawaan maxkamad lasoo taagi doono si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadaan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beladweyne ammaankana lagu xaqiijinayo.
Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM iyo Ethopia waxaana ka dhaca Magaaladaasi falal lidi ku ah ammaanka.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa in badan ku cel celiyay in ay wax ka qaban doonaan falalka Ammanka ka dhanka ah ee ka dhaca Gobolkaasi gaar ahaan Magaalada Beledweyne