Baaritaanno ka socada Afgooye iyo Maamulka GobolkaShabeelaha Hoose oo ka hadlay

Iyadoo shalay galinkii dambe Qarax sababay qasaaro isugu  jiro dhimasho iyo dhawaac uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Maamulka Degmadaasi .

Guddoomiyaha Gobolka Shabeeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii  ayaa waxa u sheegay in ay wadaan howlgal ay ku doo nayaan in ay kusoo Qab qabtaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Afgooye waxaana uu tilmaamay in ay wali socdaan Howlgaladaasi .

Waxa uu sheegay in ay wali ku  raad joogaan ciddii ka dambeysay Qaraxaasi waxaana uu tilamaamay in ay socon doonaan Howlgalladaasi ilaa ay gacanta uga soo dhigaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa  waxaana uu sheegay in ay ka warbixin doonaan markii ay howlgalladaasi soo dhamaadaan .

 

eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya degmada Afgooye waxaana Qaraxaasi ku wax yeeloobay  qaar ka mida ha Ciidankii lala eegtay iyo sidoo kale Dad ka agdhawa halkii uu Qaraxaasi ka dhacay .

Degmada Afgooye waxaa gacanta ku haya Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana ay ka wadaan Baaritaano ay ku donayaan in ay gacanta ku soo dhigaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa .

Qaraxa waxaa uu yimid iyadoo maalin ka hor Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah oo la la damacsanaa in lagu dilo Madaxweynaha  Soomaaliya

 

Comments are closed.

WARARKII