Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maaanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulankii ugu horeeyay ee ay kaga hadlayaan doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale tan Madaxweynaha.
Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in maanta saacadaha soo socdo ay kulan yeelan doonaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Go,aanka xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya go,aankeeda ay leeyihiin baarlamaanka cusub,hayeeshe kulanka maanta ayaa waxa ay ku dooranayaan Guddoomiye KMG ah oo baarlamaanka sii hogaamiya inta laga gaarayo doorashooyin dalka ka dhacaan.
Malaaq Shiino ayaa sidoo kale sheegay in tirada xubnaha baarlamaanka ee liiskooda la haayo ay gaarayaan ilaa 225 Xildhibaano islamarkaana inta harsan lasoo dhameestiri doono.
Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku kulmi doonaan xarunta Iskuul Buluuziyo ee magaalada Muqdisho halkaasi oo fadhiga ugu horeeya ay ku yeelan doonaan.
Xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaan weli soo dhameestirin waxaana sida iminka la sheegay la haaya ilaa 225 maalmaha soo socdana ayaa la dhameestiri doonaa inta kale.
Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shalay kumanaan dadweyne salaaddii ciidda kadib kula hadlay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa si kulul uga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen amniga iyo marxaladda kala guurka.
C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynaha Puntland ugu horayn waxa uu ka hadlay dilalka ka dhaca deegaanada Puntland, waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyaan dadka kasoo horjeeda deganaanashaha ka jira gobolada Puntland.
“Dilalkaasi qorshahoodu waa sidii meesha looga saari lahaa amniga ay ku caan ka baxeen goboladaan aan kusuganahay mana ah wax la aqbali karo sinaba, waxaa ku hoos jirta siyaasad qabali ah oo kuwa inaga ina kamid ah ayaa wax ka wada”, ayuu yiri Faroole
Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole waxyaabaha kale ee uu ka hadlay waxaa kamid ah nidaamka Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5-ka, waxaana uu sheegay in uu yahay nidaam qaldan oo xitaa beelaha waa weyn ay ku dulman yihiin, hase yeeshee iminka la mooday in uu xal u yahay ka bixitaanka dhibaatada Soomaaliya.
“4.5 waa nidaam xaaraan ah oo aan sharciga waa faqsanayn, laakiin waxaa loo arkay in uu xal u yahay mushkiladda Soomaaliya, xitaa beelaha waa weyn waa maqaar saar”, ayuu hadalkiisa ku daray Faroole
Sidoo kale C/raxmaan Faroole waxa uu ka hadlay geedi socodka nabadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad kasoo horjeeda in Soomaaliya ay nabad ka dhalato.
Faroole waxa uu tilmaamay in wakhti badan lagu lumiyey samaynta dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo ka bixitaanka xilliga KMG ah, waxaana uu si kulul ula hadlay dad uu sheegay in kasoo horjeedaan arrintaasi, isagoo dhanka kale ku baaqay in guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka faraha looga qaado hawlaha loo igmaday ee soo xulista Baarlamaanka cusub.
“Ansixinta dastuurka cusub iyo soo xuliska Baarlamaanka cusub ee laga soo saaray liiska hordhaca ah, waxaa jira dad badan oo kasoo horjeeda nabadda, sidaasi darteed waxaan ka digaynaa in dadkaasi lagu daro Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dowladda, sidoo kale waxaan ka digaynaa in guddiga farsamada lagu farageliyo hawshooda, waxaan kale oo ka digaynaa in dadka fedraal diidka ah laga lagu daro Dowladda xitaa Madaxweyne”, ayuu yiri mar kale Madaxweynaha Puntland.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Faroole waxa uu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxweyne Shariif kaasi oo ku aadanaa in aan kamid noqoshada Baarlamaanka cusub loo diidin dadka lagu eedeeyey denbiyada ee aysan maxkamadi ku caddayn denbigaasi.
“Oo yaa ku xukumi lahaa adiga ayaa dalka gubay hadana raba in aad Baarlamaanka ku darsato dadkii denbiga ka galay umadda Soomaaliya, doorkaasi waxaa lahayd beesha caalamka laakiin garanmayno sababta ay uga aamuseen”, ayuu yiri si kulul u yiri Madaxweyne Faroole
Hadalka Madaxweynaha Puntland ee ku aadan ka hadalka xilliga kala guurka iyo geedi socodka nabadda Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli uu caawa 12-ka habeenimo ku egyahay wakhtiga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.