banaanbax ka dhan ah mareykanka oo muqdisho maanta ka dhacay

Banaanbax looga soo horjeedo aflagaadadii Ninka Mareykan ka ahaa uu geystay Nabi geena Muxamed N.N.K.H ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho .

Bananabaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar  kamid ah Culimada u diinka Soomaaliyeed iyo Qaar Kamid ah Ardayda wax ka Barata Schoolada Magaalada  Muqdisho ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Xaafada Geed Jaceyl ee Degamada Warta Nabadda  .

Banaanbaxayaasha oo watay Boorar ka turjumaya sida ay uga Xun yihiin Filimkii Ninka Mareykannahaa uu ku Aflagaadeeyanayay  Nabi Geena Muxamed waxana Wajiyadooda laga dheehan karay sida ay uga careysan yihiin Aflagaadada loo geystay Nagbigena iyo Waliba Diinteena Islmaanka .

Qaar kamid ah Culima u diinkii halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in wax laga Xumaado ay tahay in Aflagaado loogeysto Nabigeena Muxamed N.N.K.H. iyo waliba Diinta Islaamka  waxaana ay tilaameen in arintaasi aaney u Cuntameynin sida ay sheegeen.

Sheikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ahaa Culimaa Udiinkii Halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ku Baaqay in lasii wado Banaanbaxyadani looga soo horjeedo Falalkani Liddiga ku ah Diinta Islmaaka

Dhawaan ayey aheyd markii Nin u dhashay Wadanka Mareynka uu soo saray Filim uu ku Aflagaadeynayo Nabi Geena Muxamed N.N.K.H kaati oo ay caro ka muujiyeen Wadamada Islaamka

 

Comments are closed.

WARARKII