Xoghayaha Guud ee qaramada midowbay Banki Muun ayaa ciidamada midowga africa ee ku sugan Soomaaliya waxa uu ku amaanay sida wacan ay kaga qeyb qaadanayaan in nabad loogu soo dabaalo soomaaliya oo in muddo ah burbursanaa.
Sidoo kale Xoghayaha Guud ee qaramada Midowbay Banki Muun ayaa dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday holwgaladii ugu danbeeyay ee Ciidamada isgarabsanaya ee ay horboodayaan Saraakiisha Midwoga africa waxa uuna hoosta ka xariiqay in laga gaaray dagaalkaasi lala galay Ururka Ka soo horjeeda dowlada Somaaliya ee al-shabaab waxa uuna sheegay in dagaalyahanada soomaalida iyo ajaaniibta isugu jira lagu qasbay inay galaan dhulalka howdka oo uu tusaale u soo qaatay Buuraha galgala oo shabaabku ay u guureen,
Waxa uuna meesha ka saaray Banki muun in ay dhamaatay qatarta al-shabaab balse uu sheegay in sidii hore ay ka yara roon tahay.
Ugu danbeyntii xoghayaha guud ee qaramada midowbay ayaa ugu danbeyntii waxa uu baaq u jeediyay Ciidamada Midowga africa ee ku aadan in ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan al-shabaab si markaasi loo helo amaan buuxa oo ka dhasha dalka Soomaaliya,