Barnaamijka Gargaarka Ah Ee Dekadda Lasqoray { Maqaal}

 

 

Waxan Ka  Rajaynayaa Eng Faysal Hawar In Uu La Xiriiro  Dadka Wax Garadka,Ah Oo Had Goorna U’ololeeya Horumarka Bulshada Iyo Danta Guud Ee Mandaqadda

In Maamamulka Degmadu Lasqoray Uu Yahay Mid Shaqeeya. Oo Leh

-          Golle Degaan

-         Amniga

-         Maxkamad

Marka Laga Reebo Maamulada Ku Hoos Jira Gobolka Sanaag Bari Iyo  Deegaanka Reer Guuraagu Ku Wareegsan Yahay,Kuwaasoo Badi Hoos  Yimada Maamulada Shaqeeya.

Qaybta Kowaad

Kicinta Bulshada

Ujeedo

-In La Abaabulo Bulshada Mashruuca La Shaqaysa

-In Ay Fahmaan Mashruuca

Companygu Waa In Uu Mudnaanta Siiyaa Bulsho Weynta Reer Maakhir , Si’ay Ayahooda Ugu Tashadaan ,Ugana Miro Dhalaiyaan  Hirgelinta Mashruucu In Uu Qabsoomo.

Maamulada Shaqeeyaa Waa Inaa Neey Wax Faro Gelin Ah Ku Yeelanin Mashruuca Dekadda Lasqoray,Uuna Yahay Mid Kamadax Banaan Oo Ay Maamulkiisa Wax Ku Leeyihiin Bulsho Weynta Reer Maakhir.

Bulsho Weynta Reer Maakhir Waxay Xaq U Leeyihiin Ogoonshaha Mashruuca Iyo Wax Qabadkiisu Inta Uu Gaarsiisan Yahay.

Hadaba Si Aan Khilaaf U Iman Waa In Bulsho Weynta Reer Maakhir Sameeyaan Gudi U Dhexeeya Companyga Iyo Bulshada Mandaqada

-Samaynta Gudiga Deegaanka

-Kala Bar Gudiga Waa Inuu Noqdaa Rag Aqoon Lagu Soo Xulay

-Gudiga In Uu Ka Kooban Yahay Odayaal,Ganacsato,Iyo Haweenba

-Gudiga Samato Bixinta Khilaafaadka Waxa Laga Rabaa In Ay Sameeyaan Cilmi Baadhis Bilow Ah ,Taas Oo Ay Bulshada Uga Faa’iidayn Doonaan

-Ingudigu  Qeexaan In Loo Siman Yahay  Dekadda Lasqoray,Sida

  • Dumarka
  • Curyaamiinta
  • Odayaasha
  • Caruurta
  • Dadka Laga Tirada Badan Yahay

 

Hadaba Marka La Eego Dhismaha Dekadda Lasqoray  Feker Intee Xanbaarsan Bay Bulshada Deegaansi Ka Qabaan?

Dhabtii Waa In Lasameeyaa Labo Kooxood Oo Mandaqadda Laga Abaabulo Oo U Kuur Gala Arinta Dhabta Ah Iyo Sida Wax Qabadkeedu Yahay  Macnaha,Dhismaha Dekaddu.

 

Qaybta Labaad

Waxaa Muhiim Ah In Tababaro Fiican La Sameeyo

  1. Eng Faysal Iyo Companygiisu Waa In Uu Sinaan Iyo Cadaalad Ula Dhaqmaa,Si Habsami Iyo Geeddi Socodka Nabadaddu U Xoogsado Had Iyo Goorna Dhawraa Bulshada Deegaankaas.
  2. Waa Inuu Eng Faysal Wax Kasiiyaa Talada Dadka Khibradaha U Leh Arimahan Oo Kale.
  3. Waa In Uu Eng Faysal Si Cadaalad Ah Uga Qayb Geliyaa Bulshada Degan Mandaqada Iyo Kuwa Dereskooda Ah .

 

Ujeedooyinka

Fahanka Yoolasha U Jeedooyinka

Abaarida Bulshada Iyadoo Lagu Salaynayo Bulshada Reer Lasqoray

Fahanka Asaasiga Ah Ee Habka Dhaqaalaha Dekadda Loo Maarayn Doono

Abuuritaanka  Diiwaan Gelinta ,Qaybinta Shaqaalaha Iyo Habka Kormeerida Iyo Hagaajinta Noocyada Horumareed Iyo Hagaajinta Dhamaan Qoraalka.

Abuuritaanka Shaqo Ee Dadka Deegaankaasi Iyo Qorshaha Logistikada

 

Qaybta Sedexaad

Diiwaan Gelinta Iyo Cadaynta Ka Faa’iidaysashada

  • Lakulanka Hubnaha Maamula Mashruucaan
  • Isku Raac Qaabka Doorashada Iyo Bilowga Hawl Galka

Shir Guud Ay Isugu Yimaadaan Beelaha Sanaag Degga  Kagana Wadahadlaan  Danta Masiirka Umadda Iyo Hurumarkooda Kusaabsan Dhismaha Dekadda Lasqoray.

Dhamaystirka Shirka Oo Ku Haboon In Ay Kasoo Qayb Galaan Bulshada Kala Duwan Ee Gudaha Iyo Dibadaba.

  • In Shirkaas Lagu Qabto Magaalada Badhan.
  • In Companygu  Usoo Bandhigo Habka Dhismaha Dekadda Loo Dhisayo
  • Isbiritaanka Hubnaha Gudiga Dekadda Iyo Companyga
  • Sheegista Wakhti Cayiman Oo Lagu Diyaar Garoobo                                                                      Soo Doorashada Iyo Dhamaystirka Liiska Gudiga U Dhexeeya Companyga Dhisaya Dekadda Lasqoray  Iyo Bulshada.
  • Isu Eegidda Hawlaha Shaqada,Sida Ay Ukala Horayso
  • Lakulanka Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan,Sida Odayaasha,Haweenka,Aqoonyahanka,Culimada Iyo Ururada Dhalin Yarada Rag Iyo Dumarba.

Qaybta Afraad

Waxaan Ka Codsanayaa Companygu, In Uu Qorshihisa  Shaqo Uu Ugu Talo Galay Bulshada, U’ Guto Si Xilkasnimo Leh ,Uuna Kormeer Joogto Ah Ku Hayo Shaqalaha Shaqada Wada, Isagoo Isticmaalaya Liisaska Warbixinta Goobaha Shaqadu Kasocoto Ee Looga Soo Gudbiyey.

Diyaarinta Warbixinta Ee Bisha Ah Ee Ku Saabsan Fulinta Mashruuca Iyo Qaabka Kormeerida Iyo Faloqaynta Xogta Dhabta Ee La Ururiyey,Loona Gudbiyo Bulshada Deegaanka.

 

Prepared by Idiris Ahmed Idiris

Adviser Man

Email: Idiris103@hotmail.com

Cell phone +252-090-734173

Weriye siciid c/laahi tiij

+25290630399

 

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.

WARARKII