Suuqyada Magaaladda Hargeysa ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa ku soo Fatahay Caano Yemeni wakhtigii loogu talo galay In la isticmaalo dhaafay oo dhacay, kuwaas oo inta badan Tukaanada iyo Meherada Caasimadda qaybo ka mid ahi isku dhaafinayaan si ay uga soo Ceshadaan lacagtii markii hore laga soo siiyey ee ka gashay.
Caano Yemeniga dhacay ee Tukaanada Hargeysa qaarkood iibinayaan ayaanay jirin wax Calaamad ah oo dushooda ka muuqda ama Muujinaya inay dhaafeen wakhtigii Isticmaalkooda, kuwaas oo marka la furo aad kala kulmayso Ur qadhmuun, isla markaana u Googa’ay sida Caanaha Gadhoodhka oo kale. Sida ay Wargeyska Haatuf u sheegeen qaar ka mid Ganacsatada Tukaanada ku haysta Magaalada Hargeysa ayaa tibaaxay inay jiraan Caano Yemeni wakhtigoodii isticmaalku aanu dhicin balse Warshadii soo samaynaysay ay ka soo ilawday Kimikalka Cimriga Caanaha dheereeya, kuwaas oo tibaaxay inay mararka qaar ugu tagaan Karaatoonta Caanahaas oo Biyo Cad noqday, isla markaana is dhalan-rogay.
Sidoo kale Caano Yemeniga Somaliland la keeno ayaa wakhtigooda isticmaalka loogu talo galay inuu ku sargo’naado mudo 6 bilood ah, halka Caano Maraaciga laga keeno dalka Boqortooyada Sucuudigu uu yahay 3 bilood oo kaliya, mudooyinkaas gaabana ay keenayaan iyada oo Meheradaha yaala inay Dhacaan ka dib marka dadkii ka ganacsanayey ay waayeen cid kula Xisaabtanta alaabtaas dhacday ay Suuqa ku sii daayaan.
Si aanu arimahaas Xogo dheeraad ah uga helno ayaa waxa aanu Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland (Somaliland Quality Control Commission) Mr. Siciid Saleebaan Mirre, kaas oo si cadho leh uga biyo diiday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo Caanaha dhacay ee suuqa soo galay, isla markaana ku adkaystay inaanu wax Tafaasiil ah ka bixinaynin, Wargeyska Haatuf-na uga digay inuu wax ka qoro Arimahaas, kaas oo si kooban isaga oo cadhaysan u yidhi “Waxba Idiinma Sheegayo, Hadii Aad Na Soo Hadal Qaadaan Ama Aad Wax Ka Qortaan Meel Xun Ayey Idinla Tagi Doontaa Ee Ogow”.
Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda Somaliland Quality Control Commission Siciid Saleebaan ayaa mar uu 30-kii bishii May ee sanadkan 2012-ka u Waramayey Wargeyska Haatuf ayaa waxa uu ka dayriyey Raashin iyo Dawooyin dhacay oo wakhtigii ay soo baxeen lagaga soo badalo Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isla markaana Masiibo ku tilmaamay dhaqamada qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland. Is kastaba ha ahaatee Hay’adda Dhawrista Tayada S/Land ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u Igmaday inay daba-galaan ama Kaantaroolaan dhamaan Alaabta dalka la keenayo ama taala oo dhan ayaa u muuqata mid ku guuldaraysatay arimihii loo xilsaaray oo Tahli Kari-Wayday Inay wax ka qabato ka Ganacsiga Cuntooyinka & Dawooyinka Dhacay ee dalka loo soo Tahriibiyo.

Buraannews.com/Hargeysa