Nin u dhashay dalka Brazil oo kusugnaa xaflada aqalgalkiisa ayaaa lasheegay in uu u dhintay dhiig bax kadib markii uu ku dhacay dhalo qamri ka dhamaaday oo jeexday halbowlana ka jartay.
Ninkaan oo lagu magacaabo Maciel ayaa waxa uu qoob kaciyaar ladheelayay qaar kamid ah qaban qaabiyayaashii arooskiisa kadibna uu sal jugla ugu dhacay dhalada qamrigu ka dhamaday, waxa uuna ku dhintay isbitaal loola cararay.
Arintaan ayaa waxa ay layaab kureebtay dadkii xafladda kasoo qeyb galay iyo waliba gacalisadiisii oo xilli ay farxad dhex maquuraneysay murugo maharta ah ay lasoo deristay.
Haweeneydii uu la aqalgelayay oo saxaafadda lahadashay ayaa waxa ay sheegtay in aad umurugootay kadib markii iyada oo kusugan arooskeedii uu seygeedii geeriyooday.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada