Ciidamada Ammaanka Galmudug Oo Maanta Weerar Kuqaaday Kooxo Jidgooyo Utaalay Wadada Laamiga

 

 

 

 

2ruux ayaa dhimatay 2kalana waa ay dhaawacmeen kadib markii ciidmado katirsan maamulka galmuudg iyo malayshiyaad hubaysan uu iska hor imaad ku dhexmaray wada laamiga ah oo malayshiyaadka ay dhigteen jidgooyo lacago sharcidaro ah looga qaado halka mararka qaarna dhac iyo kufsi ay ugaystaan dumarka saaran gawaarida

Dadka dhintaya iyo kuwa dhaawacmay ayaa  kamdi ahaa kooxihii jidgooyada dhigtay ila markaana iska hor imaad kala hortagay ciidanka galmudug iyadoo sidookalana ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen 4dhalinyari ahaa oo kamdi ahaa kooxihii isbaarada ay utiil waxaana kuwaasi la geeyay xabsiga dhexe ee magalada gaalkacyo ee maamulka galmudug

Taliyaha qaybta booliska galmudug maxamed cali nuur gadaar ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha amni darida kawada wada laamiga ah kuwaasi oo taliyuhu ku tilmaamay in ay caadaysteen dhaca kufsiga iyo falalkale oo anshaxa kabaxsan

Maxamad Nuur ayaa sidookale carabka ku dhiftay in falkaan saakay laqaaday ii ahaa mid qorshaysan oo lagu go’aansaday in wax looga qabto kooxoaha dhibaateeya musaafirka isticmaala wada dheer ee laamiga ah wuxuuna balan qaaday in ciidamadu ay wax ka qabandoonaan kooxaha amanka wax udhiba

Comments are closed.

WARARKII