Iyadoo Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya ay ka dhalatay Dowlad cusub oo aan KGM aheyn ayaa wali waxaa jira Cabasho ay muujinayaan Dadka Barakacayaasha ah ee ku Nool Magaalada Muqdisho .
Qaar kamid ah Dadka Barakacayaashaas ayaa wali codsanaya in kaalmo lala soo gaaro iyagoona dhanka kale soo dhaweeyay Isbadalka cusub ee uu Dalku galay iyo Doorshadii xalay ka dhacday Muqdisho.
Mid kamid xiryaha ay ku Nooyihiin Qoysaska Barakacaayasha oo aynu manta booqanay ayaa Dadka ku nool xiradaasi waxaa ay inoo sheegeen in Muddo 6 Bilood ah aaneey helin wax gargaar ah iyo sidoo kale in halkaasi ay ku heysato Xaalad Caafimaad Darro ah .
Sidoo kale dadkani ayaa waxaa ay eedeen u soo jeedeen Dowladddii hore ee Dalka oo ay sheegeen in aaney waxba u qaban .
Dhanka kale Ciidamada Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay iyana ka hadleen Doorshadii xalay ka dhacaday Muqdisho .
Afhayeenka Ciidamada Naafada Xoogga Dalka C/mahad Cali ayaa waxaa uu oo dhaweeyay Madaxwenaha Cusub ee loo doortay in Hogaamiyo Dalka Soomaaliya Afrata Sano ee soo aadan.
Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad doonaya in ay ka saraan Isbitaalka martiini oo hooy u ah Ciidamada Naafada Xoogga Dalka Soomaaliya .
Xalay waxaa Hogaanka Dalka qabtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Proff; Xasan Sheikh maxamuud Waxaana laga sugayaa in uu Dalka ku hogaamiyo Ibadal ka duwan Dowladihii Dalka soomaray Guud haan Gobollda Dalka Soomaaliya Wadamada Dariska ah iyo Qaar kamid ah Wadamada Caalamka waxaa ka soconaya Dibadbaxyo lagu taareerayo Madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya