Ciidanka Kenya oo Dad Shacab ah ku Xasuuqay Deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose

Askari katirsan Ciidamada Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu soowaramayaa in Degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose uu ku laayay dad Shacab ahaa oo uu sibareer ah rasaas ku furay.

Wararka haatan naga soogaaraya Degaanka Janay Cabdalla ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku dilay askari katirsan Ciidamada Kenya dad Shacab ah oo Degaankaan ku sugnaa sida ay wararka tilmaamayaana uu sibareer ah rasaastaan ugu faray dadkaan rayidkaa.

Qaarkamid ah dadka degaanka Janay Cabdalla ayaa waxa ay inoo sheegeen in halkaasi uu askari katirsan Ciidamada Kenya uu rasaas bareer ah oo aan loo aabayeelin uu dadkaan kufuray iyadoona ay rasastaan geysteen qasaaro xoogan oo soogaaray dadka uu ku furay rasaastaan.

Waxaana rasaastaan uu furay ku geeriyooday askarigaan dad gaaraya ilaa 8-ruux wallow ay wararka qaar sheegayaan intirada dadkaan ku dhintay rasastaan ay intaasi kabadyihiin.

Ilaa iyo iminka macada sababta ka danbeyasay in askarigaan katirsan Ciidamadaan Kenaya uu rasaastaan ugu furo dadkani  rayidka ah.

Arintaan ayaa waxaa walaac kamuujiyay dadka rayidkaa ee halkaasi ku dhaqan iyagoona ka cabsi qaba in ay markale soolaabtaan falalka ceenkaan oo kalaa.

Aadan Shire Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda hatana ku sugan Muqdisho aya waxaa uu sheegay in ay Arintani tahay mid Qalad ah Kenyana looga Fadhiyo in ay Raali galin Dag dag ah iyo Mag dhaw ay ka Bixiso

Comments are closed.

WARARKII