Daawo Sawirada:Gabar Sanad jir ah oo lagu arkay calaamado cajiib ah oo ay ku dhalatay

Gabar udhalatay dalka A Chinese ayaa la halgamaysa sidii ay usocod baran lahayd, kadib markii dhinac kamid ah jirkeeda uu aad ubuuratay.

Gabadhan oo sanad jir ah laguna magacaabo Xinlei, ayaa degan Mingxian County, ee gobolka Gansu  ee dalka China, waxaa la sheegay in ay ku dhalatay qaabkan layaabka leh, waxaana dhaqaatiirta ay sheegeen in arintan ay tahay mid aan inta badan dunida ka dhicin.

Qeybo kamid ah jirkeeda gaar ahaan dhanka midig ayaa aad uweyn, waxaana ay uga egtahay qof weyn oo kale, iyadoona dhinaca horaadaha gaar ahaan midka midig uu aad uga balaaran yahay kan kale.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in qeybta buuran ee gabadhan uu yahay jileec hadana qafiif ah, isla markaana aysan u adkeyn karin dhaawac yar.

Aabaha gabadhan  Wang Wei iyo xaaskiisa Wang Jinfang ayaa hada ka wal walsan halka ay ka keenayaan qiimaha rasmiga ah ee qaliin loogu samaynayo gabadhan taas oo gaaraysa 200,000 Yuan “Lacagta dalka China” una dhiganta (£20,000).

Comments are closed.

WARARKII