Ciyaaryahan kubadda cagta dheela una dhashay dalka Brazil ayaa haweeney ay saaxiiba ahaayen jirdilay kadibna nafta dhaafiyay hilibkeedana eeya siiyay, maxkamad ayaa dhageysatay dacwadaasi.
Ciyaaryahankaan ayaa waxa uu yahay goolhaye Bruno Fernandes de Souza, kaas oo lafilayo in uu ciyaaro koobka duunyada ee soo socda, waxa uuna ku eedeysanyahay in uu dilay haweeneyda dharka xayeeysiin jirtay oo lagu magacaabo Eliza Samudio, si uu uga fogaado in uu ogolaado cunug uu jaceyl uga dhalay haweentaasi.
De Souza, oo dafiray in uu aabe u yahay wiil afar bilood jir ah oo ay dhashay Eliza, ayaa afduubay gabadhaan isaga oo ay lasocdaan gaangistarro iyo xaaskiisa Dayane, sida police-ku xaqiijiyeen.
Ciyaar yahankaan ayaa waxa uu daawanayay intii gaangistaradaasi ay dilayeen Eliza, kahor intii uusan hilibkeeda kujar jarin cunugeeda hortiisa.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
m
