Dagaal Mar Kale Ka Dhex Qarxay Laba Beelood Oo Wada Dega Deegaanka Xarshin Ee Killilka Shanaad Ee Itoobiya

Dagaal u dhexeeya laba beelood, ayaa mar kale dib uga curtay deegaanka lagu magacaabo,Tuullada Cilmi Xirsi oo Koonfur-galbeed ka xigta degmada Xarshin ee Killilka shanaad ee Itoobiya, halkaas oo uu hore dagaal sababay dhisho iyo dhaawac ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega.

Dagaalkan ayaa maanta mar kale dib u bilawday, waxaan  dagaalkaasi ku dhintay  inta ilaa hadda la ogyahay afar qof oo ka mid ah dadkii dagaalmayey, iyada oo aan ila hadda si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ee rasmiga ah, maadaama oo ay tahay dhul geri go’an ah.

Oday Cali oo ka mid ah duqayda tuuladaasi  oo ka hadlay dagaalkaas, kana mid ah beelaha dagaalamay ayaa waxa uu yidhi “ dagaalkaas waxa ku dhintay afar qof, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo aan wali khasaarihiisa la cadayn Karin,  Kaasi oo ku fiday deegaamada hoos yimaada tuulada xarshin,”ayuu yidhi.

 

Burannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII