|

Dagaalka Kasocda Buuhodle waa Calanka Qaado iyo Qaadan maayo

Mudo kudhow 22 sano ayaa dagaal fooda layskula jiray wuxuuna lahaa magacyo badan, Hadii aan idin xasuusiyo magacyadii dagaaladii kadhacay soomaliya qaar kamid ah wa sidan.

Dagaalkii loogu magacdaray Mujaahidiinta 1990-1992 (dalka oo dhan)
2 Dagaalkii afarta Bilood 17/11/92 (muqdisho)
3 Dagaalkii Unisom vs General Aydiid (muqdisho)
4 Dagaalkii Ashahaado ladirirka vs Maxkamadaha (muqdisho)
5 Dagaalkii Dib-uxoreynta vs Ethiopia ( mudisho)
6 Dagaal shabab iyo Amisom (muqdisho)
7 Dagaalka Maamulka Khaatumo vs Calandiidka Somaliland. (buuhoodle)

Dagaaladani waa kuwo socday xiliyo kala duwan lahaana ujeedooyin kala duwan, intooda badana Waxaa saldhig u ahaa xukunkayga qaado iyo qaadan maayo.

Dadka saadaaliya xaaladaha colaadaha iyo is rogrogooduna waxay sheegeen in dagaalada hadda Socdaahi yihiin ay noqon doonaan kuwii ugu danbeeyey, iyagoo ku sababeeyey in lasoo gaaray Dagaalka Calanka qaado qaadan maayo,halkii uu markii hore ahaa xaalku xukunka qaado iyo
Qaadan maayo.

Dadka soomaliyeed waxaa lagu tilmaami karaa bulshada ugu dulqaadka badan Dhinaca colaadaha ,waxaana ilaahay kabaryeynaa inuu colaadaha jira ugu bedelo ummaddan Nabad iyo barwaaqo.

Siyaasiyiinta ka faa,iidaysata colaadahana waxaan ugu baaqaynaa inay Halkaas kujoojiyaan dhiiga dadka soomaliyeed ee kudhibcay dacalada dunida oo dhan, ayna Dareen geliso shaqsi kasta oo soomaali ah in dadkeenii (Haadu) cunayso dugaaguna kunaaxay Hilibka dhalinyaradii soomaliyeed, midka Beriga & midka Baduba.

Dagaal waa iska dayn Duunyana waa dhaqasho,Deeqsina Dadka waa laga gartaa.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

468x60 ad code [Article page - Between comment and article]

Leave a Reply