Dalka Sacuudiga oo Somalida deggan Amaro adag la dul dhigay iyo Somalida oo walaac muujiyey

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in cadaadis xoogan la saarayo somalida deggan magaalooyinka iyo deegaanada Waddanka Sacuudi Carabiya.

Waxaa la sheegay in la xanibay qofkii aan heysan sharci ku jooga waddankaasi (Inqaamada) inuusan iibsan Karin sim card-ka taleefoonada laga isticmaalo dalkaasi.

Waxaa sidoo kale lagu wargeliyey shirkadaha Taleefoonada laga isticmaalo dalkaasi sida SAWA,MOBILY iyo ZAIN inaysan wax sim card ah ka iibin Karin qof soo galooti ah sida Somalida haduusan sharciga inqaamada heysan.

Amarka dawlada Sacuudi Carabiya ay soo saartay waxaa kaloo ka mid ah inaysan Somalida sharciga heysan shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ka shaqeyn Karin cidii lagu arkaa iyadoo shaqaale sharciga inqaamada heysana tallaabo laga qaadi doono sida dawladu ku hanjabtay.

Waxaa kaloo la mamnuucay in Somalida sharci ku jooga dalkaasi heysan inay magaalooyinka iska dhexmaraan cidii lagu arkana ay tallaabo ka qaadi doonaan xabsi muddo dheer ahna la gelin doono.

Waxaa lagu amray Ciidamada Booliska Dalka Sacuudiga meel walbo ay kusugan yihiin in howlgal lagu dhaqan gelinayo amarka dawlada sameeyaan islamarkaana la baaro somalida sharciga heysan iyo kuwa heysta ee dalkaasi ku dhaqan.

Somali badan ayaa si tahriib dhib badan ah ku gaaray waddanka Sacuudi Carabiya iyagoo sii maraya Jabuuti,kadib doon sii raaca Yaman markii ay tagaana safar kaloo dhib badan sii gala waxaase jirta in sacuudigu marar badan Somali uu soo qabtay usoo tarxiilay Somalia.

Comments are closed.

WARARKII