Danyarta Degan Xarunta Badhasaabka Oo Cabasho Ka Muujiyay Fariin Uga Timid Taliyaha Bileyska

Qoysaska degan xarunta Badhasaabka ayaa sheegay inay cabasho ka muujinayaan fariin uu shalay uu usoo diray Taliyaha Ciidamada Bilayska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo uu dadkaasi ku farayo inay sida degdeg ah uga guuraan guryaha dawlada haddii kale xoog lagaga saari doono.

Qaar ka mid ah dadweynaha xaafadaasi degan ayaa sidaasi ku sheegay mar ay xalay Haatuf uga warameen arrinkaasi, ayaa sidoo kalena sheegay in arrinta guryaha dawlada ee ay degan yihiin ay gacanta ku hayaan Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka arrimaha dibada, isla markaana Jananka Bilaysku aanu shaqo ku lahayn inuu soo dhex galo, iyada oo aanay nabadgalyo xumo ka jirin goobtaasi.

Waxaanay xukuumada ugu baaqeen in mar kasta ay dhinacooda nabadgalyada ilaalinayaan, balse waxay ka digeen cid kasta oo ku kacda talaabo qalafsan inay keenayso nabadgalyo darri.

Sheekh Cali Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah dadweynaha degan xaafada shacabka Ex xarunta Badhasaabka Hargeysa isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Arrintayadu waxay hortaalaa madaxda sare ee dawlada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Suldaankayaga beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi. hadaba waxa dhacday saaka nin askari ah oo ka tirsan Ciidanka asluubta oo la yidhaahdo CabdillaahI Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah dadka degan guryahaasi iyo nin la yidhaahdo Axmed Caato labadaa nin ayaa Jananka Ciidanka Bilaysku u yeedhay oo uu fariintaa soo faray inay ka guuraan guryaha haddii kale xoog lagaga rari doono, ka dib labadii nin ayaa nagu soo noqday waxaanay yidhaahdeen Janankii waxa uu yidhi si degdega ah uga guura guryaha dawlada haddii kale xoog ayaa lagaga saari doonaa, anaga oo arrintayada hore uga hadalay oo suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi arrinka hayo ayay tani ku soo korodhay meesha, taasina nama khusayso namana matalaan shaqadoodana maaha. Kolkaa jananku faro galin ayuu nagu sameeyay nabadgalyadana isaga ayaa ka masuul ah, arrintayada ha kala xidhiidho suldaanka guud iyo wasiirada arrimaha gudaha iyo arrimaha dibada, balse ayaanu noo soo dhaafin maamulka sare ee gacanta ku haya, jananku waxa uu sidaa u samaynayaa isaga oo xeerinaya xoghayaha gobolka oo isagu doonaya in meesha nalaga raro, kaas ayaana ula tagay shir alaabadu u xidhan yihiin in dadka laga dareeriyo guryaha.

Hadaba jananka waxaanu u sheegaynaa in anagu aanu nabadgalyada ilaalinayno, isla markaana dadka meesha degani ay yihiin dadkii dalkan u soo halgamay agoontii, naafadii iyo mujaahidiintii SNM.

Xaafadu waxay leedahay guddi todoba qof ka kooban iyada oo ay sidaa tahay ayaa labadaa askari lanagala dhex baxay oo arrin aan na khusaynin loo soo dhiibay.

Baarud Maxamed Xuseen ayaa isaguna sidoo kale sheegay in talaabada Jananka Bilaysku ay tahay faro galin qaawan, isagu marka meel laga soo sheego nabadgalyo xumo ayaa waajib ka saaran yahay inuu wax ka qabto, balse meel nabadi ka jirto inuu faragalin ku sameeyo maaha, waxaaananu leenahay jananka meesha dhibaato kama jirto oo  wasiiro ayaa gacanta ku haya ee faraha kala bax.

 

 

 

 

 

 

Comments are closed.

WARARKII