Deegaanka Boorow oo Xaldiisu Tahay Mid Dagan iyo Ciidanka Dowlada oo Gacanta Kuhaya

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada dowlad iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay maanta weerar ku qaadeen magaalada Jowhar isla markaana ay ku tageen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Boorow.

Waxaa la sheegay dagaalkaan in uu socday muqo ka badan saacad waxaana leesku adeegsanayay hub cul culus, waxaana dhawaqa madaafiicda xoogan laga maqlayay qaybo ka mid ah magaalada Jowhar.

Wali lama oga wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaal xoogan ee ka dhacay deegaanka Boorow, maadama aysan jirin goob jooga yaal ku sugan deegaankaasi saraakiisha labada dhinacna aysan wali cadayn.

Wararka ayaa sheegaya in haatan xaalku uu yahay mid degan isla markaana goobta lagu dagaalamay ay joogaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee markii horaba halkaasi weerarka ku qaaday.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa laga dareemayaa xaalad cabsi waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaalkaan uu ku soo fido qaybo ka mid ah magaalada xarunta u ah gobalka.

Saraakiisha ciidamada dowlada oo qaar kood ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in qorshoodu uu yahay in ay la wareegaan magaalada Jowhor oo haatan ay ka arimiyaan ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya, inkastoo aysan wali jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaan.

<

Comments are closed.

WARARKII