Sida Wararka ay nagu soo gaarayaan waxaa goordhaweyd Degmada Yaaqshiid Dil loogu geystay Wariye ka howlgali jiray Radio-Maanta ee Magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Wariye Xasan Yuusuf Afsuge ayaa kooxo hubeysan waxaa ay Dil ugu geysteen Agahaarka Idaacadda uu ka howlgali jiray ee Radio-Maanta oo uu ka ahaa Madaxii Barnaamijyada Idaacadaas.
Waxaa geeridiisa inoo xaqiijiyay Wariye C/Casiis Xuseen Duceysane oo ay isku meel kawada shaqeyn jireen.
waxaa uu sheegay duceysane in Meydka Wariye Xasan Yuusuf Afsuge uu haatan yaalo Xarunta Idaacadda ee Degmada Yaaqshiid .
Waxaa uu sheegay in markii Dilka loo Geystay Wariyaha Meydkiisa ay u soo sheegeen Dadka Xaafadda kadibna ay hankaasi ka soo qaadeen .
Kooxi Dilka u geystay ayaa ka Baxsaday goobta ay Dilkaasi ka geysteen waxaana la ogeyn Sababta ka Dambeysay Dilkaasi iyo waxyaabihii dhaliyay .
Dilka Wariyahaan ayaa waxa uu Imaanayaa iyadoo xalay Weerarro Ismiidaamin ahaa oo Muqdihso ka dhacay ay ku Geeriyoodeen Wariyaal gaaraya ilaa Seddax Wariye halka ay Shan kalana ku dhaawacneen