Waxaa haatan si Rasmi ah u bilaawday Codeynta Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu Codeynayaan Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya .
Ka hor inta aaney bilaaban Codseynta ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Hubiyay Sanadiiqda Codeynta in aaney ku jirin wax warqado ah waxaana uu furay Sanaadiiqdaasi isagoona hubiayay in aaney waxba Ku jirin.
Waxaa la gu Dhawaaqay Magacyada Musharixsiinta ka qeyb galaya Doorashada Xilka Madaxweynaha Dalka soomaaliya Kuwaasi oo tira ahaan gaarayay 22 Musharax .
Waxaana Goddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu marka caddeeyay in aaney dhici doonin in Musharax laga adkaaday uu Codkiisa ku taageero Musharax kale .
Guddoomiayaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in Musharixii ku guuleystay Codadka Baarlamaanka Seddax Meelood Laba meel uu yahay Madaxweynaha Dalka Laakiin haddii ay taasi dhici weyso ay bilaabmayaan wareegyo kale oo lagu kala saaro Musharixiintii isugu soo haray tartanka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaa dhagta ku haya waxa ka soo baxa Doorashadaasi iyo ciida ku guuleysata .
Wixii kusoo Kordha ka Daalaco www.buraannews.com