Sheekh SHariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii Kmg Soomaaliya isla marka maalmo kahor loga adkaaday Doorasho ayaa kahadlay hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray Wasiirka arimaha Dibada wadanka Kenya kasaoo ahaa in sheekh shariif oo kadanbeeye qaraxii kadhacay Hotel Jaziira.
Madaxweyne sheekh shariif oo daqiiqado kahor muqdisho kuqabtay Shir jaraa id ayaa sheegay in oo dhaleeceynaayo hadalkaasi kasoo yeeray dowlada kenya waxaana oo sheegay in aan laga fiirsan hadalkaasi la iskana yiri wuxuuna sheegay in Goorta oo dhacaaye qaraxaasi oo goobta kusugnaa.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay waqtii uu dhacayay qaraxa in dalka Mas’uuliyad ay ka saarneyd sidaas daraadeedna Hotelkii uu qaraxa ka dhacay ka soo kaxeeyay Madaxweynaha.
Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka aheyd ayaa u mahad celiyay qaar ka mid ah xildhibaanada ku jiro baarlamanka Kenya kuwaas oo ka dhiidhiyay eedeynta loo soo jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shalay ayeyd aheyd markii wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya uu Sheekh Shariif ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii lala eegtay hotel uu shir uga socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Kenya oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi.