Dhacdo aad u Naxtin Badan dad badana ay ka arga gaxeen oo Dhawaan ka dhacday Dalka Kenya

Argagax ayaa waxa uu ku baahay xaafada Wendiga ee magaalada Mweiga ee dalka Kenya kadib markii nin dadku u aqaan jireen in uu geesi yahay uu xaaskiisii madaxa agdhigay qaar kamid ah hilbaheediina uu cunay.

Ninkaan oo dadka horay u yaqiinnay ay ku sheegeen in uu ahaaa nin qunyar socod ah oo aan dhib badneyn ayaa xaaskiisii qudha kajaray, isaga oo hilbaheeda qaar ka cunay dhiig badanna kacabay kahor inta uusan wiilkooda yar uusan ku qasbin in dhiigga hooyadii cabo.

Morris Mutuma Mutegi ayaa lagu magacaabaa ninkaani waxaana markii uu falkaasi sameeyay qabtay dadka deegaanka.

Ninka oo xaaskiisa toorey kudilay ayaa waxaa adkaatay in dhaqsa lagu qabto waxaana dadka deriska ah ay isugu yeerteen dadka xaafada degan oo dhan iyada oo ugu danbeyntii lagu guuleestay in hubka laga dhigo

In kasta oo dadka deegaanku ay sheegeen in aysan dal dalin ninkaasi ayaa hadana waxaa lasheegayaa in ninka ay weerareen oo ay xireen ilaa uu ka geeriyoodo, kadib markii ay geed kuxireen uuna isku daladaly fiilooyinkii lagu xirxiray.

Dilka haweeneyda oo goor habeen ah dhacay ayaa la sheegay in dadka dersaanka ah ay kusoo bexeen, lana arkay meydka haweeneyda oo hilba kamaqanyihiin oo banaanka yaalla iyo wiilkii yaraa oo ay dhaleen oo afka dhiig kuleh.

Qeybaha uu hilbkeeda kacunay waxaa kamid ah wadnaha oo durbadiiba uu kala baxay markii uu dilay.

Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada

Comments are closed.

WARARKII