Dhalinyaro Dil loogu geystay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Hurwaa

Wararka naga soo gaaray Xafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Horwaa ayaa sheegaya in Laba Ruux oo dhalinyaro ah Goordhaw lagu Dilay halkaasi.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa waxaa ay Dil ugu geysteen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmagada Hurwaa .

Dhalinyarada Dilka loo geystay ayaan la garaneyn Sababta ka dambeysay Dilkooda ,Kooxihii dilka geystay ayaa isaga baxsaday Halka ay Dilkaasi ka fuliyeen .

Shalay ayaa sida oo kale kooxo Hubeysani waxaa ay dil ugu geysteen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi Laba Dhalinyaro ahaa kuwaasi oo iyana kooxihii dilay ay isaga  carareen halka ay Dilkaasi ka fuliyeen .

Xaafadda Suuqa Xoolaha waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaliya waxaana Maalmahan kusoo Badanaya  Falalka dilalka Qorsheysan ah

Comments are closed.

WARARKII