Dowladda iyo AMISOM oo soo bandhigay Shabaabkii ugu badnaa ee dhankooda Ku soo biira

 

Tirada ragan maanta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay soo bandhigeen ayaa waxaa lagu sheegay 242-qof kuwaasi oo dhawaan iska soo dhiibay Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 

Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegeen in ragaasi ay yihiin rag ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab balse kasoo goostay islamarkaana kusoo biiray dhanka dowladda Soomaaliya.

Goobta ragani lagu soo bandhigaye ayaa waxa ay aheyd xerada maslax ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku sugnaa masuuliyiin ka socotay xukuumada waqtigeeda uu dhamaaday iyo saraakiil AMISOM ah.

Wasiirka Wasaarada Difaaca Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday Xuseen Carab Ciise oo goobta ragaasi lagu soo bandhigaye ka hadlay ayaa wuxuu soo dhaweeyay raga kasoo goostay Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale isna waxaa halkaasi ka hadlay Yaxye Faysal Cabdulle kaasi oo sharaxaya sababta ka dambeysa inay soo goostaan iyo hadii ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhibaatada ay ku dhaqmaan awgeed ay udulqaadan waayeen dabadeedna ay isaga soo goosteen.

Saraakiisha AMISOM ayaa dhankooda sheegay in raga isa soo dhiibay ay wateen qoryo gaaraya 82-qori AK47 ah hal biskoolad iyo sidoo kale bambada gacanta laga tuuro iyaga oo sheegay in ragaasi ay kasoo kaxeeyeen deegaan lagu magacaabo Garsaale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

 

 

 

 

Comments are closed.

WARARKII