Dowladda Mareykanka ” Shabaab Meleteri ahaan iyo Dhaqaala ahaanba Wey u Bur bureen

u qaabilsanaha Dowladda Mareykanaka arimaha Soomaaliya JAMES SWAN ayaa sheegay in Al-Shabab ay jabeen marka loo eego Milateri ahaan iyo Siyaasad ahaanba kadib markii ay soo food saartay cadaadis Milateri oo xoogan kaas oo uga yimid Ciidamada AMISOM oo gacan ka helaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

James ayaa yiri waxaa hoos usii dhacaya Awoodda Ciidan iyo Midda niyada ahaanba taas oo ay ka dhalatay iney Al-shabaab ka huleelaan Magaalooyin badan oo ay Gacanta ku hayeen,,,, wuxuuna intaas ku daray James Swan in ay muuqdaan calaamado muujinaya in Ragga aan Soomaalida ahayn ee ka barbar Dagaalama Al-shabaab iney soo wajaheen culeysyo tiro badan wuxuuna sheegay in qaar kamid ah ragaasi ay hadaba bilaabeen in ay iskaga bexeen Magaalada ugu Weyn ee ay fariisinka ku leeeyihiin Ururka Al-shabab ee kismaayo.

 

u qaabilsanaha Mareykanka Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa ku Ammaanay hawsha ay wadaan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ee isgarabsanaya kuwaas oo ku wajahana Magaalada Kismaayo wuxuuna ballan qaaday in Dowladda Mareykanku ay garab Taagantahay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

wxuuna hoosta ka xariiqay in qabsashada Magaalada Kismaayo ay noqon doonto dhamaanshaha Al-shabaab, wuxuuna AMISOM iyo Ciidanka Soomaalida ku tartarsiiyey iney sii kordhiyaan Dagaalka ay Al-shabaab kaga saarayaan Soomaaliya.

Comments are closed.

WARARKII