Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan”Waa In Siweyn Loo La Shaqeeyaa Madaxweyanaha Cusub xasan Sh.Maxamud”

Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga Idaacada VOA-da M/weynihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayuu ka hadlay Arimo dhowr ah iyo talooyin uu usoo jeediyay M/weynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud .

Dr Cabdi Qaasim ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Marxalada Cusub ee uu galay wadankeena Soomaaliya iyo ka bixida KMG uu Mudada Dheer ku soo Jira dalka waxaana uu hambalyo iyo Bogaadinba usoo jeediyay Dhamaan intii isku howshay arintaasi oo ay ka mid yihiin Madaxdii hore ee Dowladii waqtigeedu dhamaaday waxaana uu Codsaday in la taageero oo lala Shaqeeyo M/weynaha iyo Dowladda Cusub si Dalka ay uga saarto dhibaatada isagoo waliba si gaar ah ugu bogaadiyay Shacabka Soomaaaliyeed Taageerada ay umuujinayaan Maalmihii dambe Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uu la soo Xiriiray M/weynaha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh uuna ugu hambalyeeyay Xilka culus ee lagu Aaminay isla markaana uu siiyay Talooyin wixii uu ku biiri lahaa isagoo dhinaca Siyaasiyiinta iyo wax garadka Soomaaliyeedna kula taliyay in ay talo iyo tusaalo waxii ay hayaan ay ku biiriyaan M/weynaha oo Nabada iyo Xasiloonida Dalka laga wada shaqeeyo.

Mar uu la hadlayay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayuu sheegay in uu horana Baaq ugu diray dhowr Mar hadana uu udirayo waxaa uu yiri waa in aad joojisaan dagaalada iyo Qaraxyada aad wadaan oo aad dadkiina dhinac ka raacdaan Al-Shabaabow Dalka ma ubaahna maanta dhibaato dambe Dowlada la heshiiya waxaad dooneysaan wada hadal ku raadiya Ka daaya shacabka dhibaatada .

Al-Shabaab ayaa Maalmo ka hor waxaa ay ku dhawaaqeen Dagaal ka dhan ah Dowlada Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Prof xasan Sheikh Maxamuud iyagoo sheegaya in ay taahy Dowlad Cadaw ushaqeysa iyo dhinaca kalena uu M/weynaha Soomaaliya baaq udiray Al-Shabaab Soomalida ah in ay wada hadal ogolaadan kuwa aan Soomaalida ahayna ugu yeeray in ay iskaga baxaan Dalka oo dib ugu laabtaan Dalalkooda .

Comments are closed.

WARARKII