Ehelada Dad lagu Xasuuqay oo Cambaareeyay Arintaasi

Iyadoo Shalay Gabal dhicii arkari ka tirsanaa Ciidanka Kenya uu Dad rayid ku laayay Gobolka Jubbada Hoose ayaa Arintaasi waxaa ka hadlay Ehelada Dadkaasi la laayay.

Ehalada dad lagu laayay Gobalka Jubadda Hoose islamarkaana uu falkaasi geestay askari Kenyan ah ayaa canbaareeyay falka lagu laayay dadkooda.

Suldaan Xuseen Xasan oo ehel la ah dadka la laayay isaga oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose ayaa wuxuu usheegay in falkaasi uu ahaa mid naxdin leh.

Wuxuu sheegay in falka lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan taasi macnaheeda uu yahay cadoowtooyada dadka loo qabo,intaasina wuxuu hadalkiisa ku daray in dadka la laayay dhamaantood ay ahaayeen dad reer guuraa ah oo dad waaweyn ah.

Falkaasi askari kenyaanka ah uu ku xasuuqay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ayaa dhamaan dadka kunool Magalada Kismaayo ay aad uga naxeen maadaama dadka la laayay ay ahaayeen dad reer guuraa ah.

Ilaa hada lama yaqaan sababta ka dambeysa in askari Kenyan ah uu xasuuqo dad shacab ah oo reer guuraa ah kuwaasi oo ka madaxbanaan siyaasadaha ka taagan Gobalada Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ayaa Gudaha Dalka Soomaaliya soo galay Dabayaqadii Sanadkii Xilligaasi oo ay sheegen in shabaab ay Qaraxyo iyo Afduubyo ay ka geysteen Dalkeeda ayna iska Difaacayaan Arimhaasi.

Comments are closed.

WARARKII