Kulan xasaasi ahaa ayaa maanta aqalka Madaxtooyada waxaa kuwada yeeshay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’isulwasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ilo lagu kolsoonan karo oo kusugan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in uu Madaxwaynaha kala hadlay Farmaajo magacaabista Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay sidoo kale ay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonaayo in uu Ra’sulwasaare u magacaabo Farmaajo sida ay sheegayaan wararka an kaheleyno Madaxtooyada in kastoo uusan cadeen warkaasi uusan arintasi cadeyn .
Madaxda qaar ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay kula taliyeen Madaxweynaha hadii uu doonaayo in ay sii socoto Dowladiisa uu Ra’isul wasaare kadhigo Farmaajo iyagoona ku amaanay waxqabadkiisa mudadii koobneed oo uu ahaa Ra,isalwasarihii Soomaaliya waxaana ay tilmaameen in xiligaas uu wax badan Farmaajo uu ka qabtay hadii ay u badnaan laheed dhanka amaanka oo haatan faraha kasiibaxaya.
Kulankaan oo ahaa mid saaco qaatay oo ay labadaan masuul wada qaateen kaas oo sidoo kala ahaa mid albaabada u xirnaa oo aan lago gaankarin waxyaabaha ay sida dhabtaa kaga hadleen ayaa waxa lagu soowaramayaa in islafalaqeeyeen sidii Ra,isul wasaare looga dhigi lahaa Farmaajo si ay dowladaan uu hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ay wax badan kaga qabato dalka oo ay ugu horeeyso sugidda ammaanka Muqdisho.
Dadka qaar ayaa waxaa lagu soowaramayaa in ay Madaxweynaha ku qanciyeen hadii uu u magacaabo Farmaajo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu helaayo taageero kabadan kan uu haatan heysto in kastoo wararkalana ay tilmaamayaan in aysan Beesha Caalamka dooneenin in uu Ra\’,isulwasaaraha Dalka Soomaaliya uu noqdo Farmoojo.
Madaxweyna waxaa dhawaan laga sugayaa in uu soo Magacaabo Ra’isul Wasaare uu yeesho Dalka