Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la sheegayaa inay ka mid yihiin golaha maamulkaasi,waxaana ujeedada la sheegay inay tahay inuu ka qeyb galaa xaflada Caleemo saarka madaxweynaha cusub oo maalinta berito ah dhici doonto ,hadduu alle idmo.
Inkastoo aan ilaa iyo hadda la shaacin masuuliyiinta safarka ku wehlinayso madaxweynaha Puntland haddana warar hoose oo buraannews.com uu helay ayaa sheegayo inw afdiga ay ka mid noqon doonaan wasiiro badan oo maamulkiisa ka tirsan.
Waftigan ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah oo wadatashi ah iyo isbarasho la yeelan doona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Safarka madaxweynaha ayaa la qorshaynayey inuu Khamiistii u boxo Muqdisho balse sababo aan la shaacin ayuu dib ugu dhacay ilaa Maanta.