Garoonka Diyaaradaha NO-50 oo dib u howl bilaabay

C/qaadir Maxamed Nuur Siidi Guddoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose ee dowladda Soomaaliya i ayaa sheegay in dib loo howlgaliyay garoonka diyaaradaha ee deegaanka No-50 oo Muddooyinkii dambe ahaa mid aanan shaqeyneyn kadib markii hakad uu ku yimid Howlihii Garoonkaasi uu qaban jiray .
Isaga oo ka hadlayay dib u howlgallidda garoonka diyaaradaha ee NO-50 ayaa wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Garoonka uu yahay mid furan islamarkaana diyaaradii ugu horeysay ee ay leeyihiin UN-ka ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha No-50.

Wuxuu sheegay in dhamaan shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose ay arintaasi farxad u tahay maadaama dib loo howlgaliyay garoonka islamarkaana diyaarad waliba ay soo caga dhigan karto.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in diyaaradaha sida rakaabka ay kasoo dagi karaan islamarkaana dhawaan dib uhabeyn lagu sameyn doono xafiiskii saadaasha hawada ee garoonka No-50.

Deegaanka No-50 ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyaga oo kol hore si wadajir ah ugala wareegay ciidamadii Ururka Al-Shabaab ee deegaankaasi ka arimin jiray.

Waxaana Deegaankaasi ka arimaya Maamulka Gobolka Shabeelada Heese ee Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday .

Comments are closed.

WARARKII