Guddi uu Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Killilka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar u saaray Xalinta Khilaafka dhiiga badani ku daatay ee Deegaanka Xarshin, ayaa shuruud Adag ku xidhay bilawga wada hadallo la doonayey in lagaga wada hadlo Colaadda ka taagan deegaankaasi iyo dadkii ku dhintay Dagaalkii dhowaan ka dhacay Tuulada Cilmi Xirsi.
Giddidan uu Madaxweynaha Killilka Shanaad u saaray Xallinta Colaadda oo la sheegay inuu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Killilka Shanaad C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya), ayaa Kulan ay Isniintii kula yeesheen Magaaladda Jigjiga Odayaal ka soo jeeda Deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday ku xidhay inay Qoraan warqad Saxeexan oo ay ku Caddaynayaan inay dadka deegaankaasi la dagaalameen oo ay laayeen Ciidankii Dawladda, hadii ay intaas ogoladaanna ay dhinocooda wax walba u ogolaanayaan oo ay Ballantii Madaxweynaha Killilka ee ahayd inuu bixin doono dhamaan Magtii dadkii ku dhintay halkaasi iyo wixii kaleba ay wada suuta geleyaan, taas oo la sheegay in Odayaashiii ka socday deeganka Xarshin ee kulankaas ka qayb galay diideen shuruudaha ay guddidaasi ka codsadeen inay Saxeexaan, taasina ay sabatay in lagu kala koco shirkii lagag wada hadlayey xal u hellida dhibaatada ka taagan deegaanka Xarshins.
Kulan Habeen hore ka dhacay Magaaladda Xarshin oo ay wada yeesheen Odayaashan ka soo cadhooday Guddida uu Madaxweynaha Killilku u saaray arintan iyo Laba Janan oo ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay qodobo hordhac ah ku heshiiyeen y, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, in la sii daayo dhamaan Maxaabiista ka xidhan dadka deegaankaasi oo ay codsadeen Odayaasha reer Xarshimeed, iyada oo isla markiiba la sii daayey in ka badan 25 Oday oo ku xidhnaa Magaalada Xarshim, halka rag dhaawac ah oo ku xidhan Magaalada Jigjigana ay Saraakiishaasi ogolaadeen in la sii daayo oo dhakhtarada la geeyo, iyada oo la sheegay in Maanta la filayo in la keeno Xarshin Raggaasi ku xidhan Jigjiga.
Sidoo kale shirkan Magaalada Xarshin ku dhex maray Saraakiil Ciidanka Federaalka Itoobiya ka tirsan iyo Odayaasha reer Xarshimeed, ayaa la sheegay inay Saraakiishaasi ka codsadeen Odayaasha Deegaanka Xarshin in gacanta loo soo geliyo dhamaan Hubkii ay ku dagaaleen dadka degen Deegaanka Xarshin, taas oo warku tibaaxay inay ogolaadeen Odayaasha Deegaankaasi Codsigaasi ka yimid Saraakiisha Ciidanka Federaalka Itoobiya,halka Odayaasha deegankuna ay Saraakiishan ka codsaden inay Damaanad qaadaan Amaanka dadka Deegaanka Xarshin, taas oo ay Saraakiishaasi Damaanad qadeen in Ciidanka Federaalku sugayaan Amniga deegaanka Xarshin.
Maxamed Xuseen Muxumed Jaamac oo ka mid ah dadka degen Deegaanka Xarshin oo Xalay isaga oo Jooga deegaankaasi Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in la filayo inuu Madaxweynaha Killilka shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wefti uu hogaaminayo la filayo inay maalmaha soosocda iman doonaan Magaalada Xarshin, iyada oo ay markaas si toos ah u billaami doonaan wada hadalladda rasmiga ah ee lagu xalinayo Colaadda ka taagan deegaankaasi.
Maxamed Xuseen Muxumed Jaamac isaga oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaad samaysaan inaad Ciidanka Dawladda la dagaalanteen oo aad khalad kula dagaalanteen qira, anaguna wax walba waanu idiin ogolaanaynaa ayey yidhaahdeen Guddi uu Madaxweynaha Killilka shanaad u saaray Arintii Xarshin ka dhacday oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya), markaas ayey Odaayishii xagayagu ka soo xadhoodeen oo ay shirkii ka soo bexeen, Odayaashaasna waxaa hogaaminaya Codyare iyo ina Lugweyne niman la kala yidhaahdo, Waxaa la is la yimid Xarshin oo waxa la shiray Odayaasha Ninam Kornaylo ah oo Ciidanka Federaalka Itoobiya ah, Xalay (Habeen Hore), Markaa waxa la isla qaatay in Odyaashii Xarshin ku xidhnaa la sii daayo oo ahaa 30 Oday iyo in dhaawicii Jigjiga la geeyeyna lasii daayo oo dhakhtarka la geeyo Jeelkana laga saro, waxay ninmankaasi yidhaahdeen waa in la keeno dhamaan Hubkii lagula dagaalmay Ciidanka, meeshana wax Liyuu Boolis ah oo joogaa ma jiraan meesha Federaal ayaa Jooga, waxa kale oo jira in ay arintan ka wada hadleen Labada Gobol ee Jigjiga iyo Dhagaxbuur labadooda Maamul oo isku haya idinka ayaa nagu soo xad gudbay, markaa waxa dacwoonaya Gobolka Jigjiga oo Gobolka Dhagaxbuur ka dacwoonaya”
Si kastaba ha haatee Xaladda Deegaanka Xarshin oo ay dhowaan ku dagaallameen Ciidanka Liyuu Booliska Killilka shanaad iyo Dadka dega Deegaanka Xarshin oo ay dad badani ku dhinteen, ayaa maalmihii ugu dambeeyey degenaa, ka dib markii ay amaanka deegaankaasi la wareegeen Ciidanka Federaalka Itoobiya, kuwaas oo hadana wada dhex dhexaadin ay ku xallinayaan Colaadaasi.
Buraannews.com/Hargeysa