Axmed Yuusuf Ciyoow Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu ka war bixiyay aragtidiisa ku aadan Maamulada kusoo badanaya Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
Waxa uu ka hadlay Warar maalmihii dambe soo baxayay oo ku aadanaa in Maamulada ka jira Gobollada Dhexe ee Dalka loo sameynayo Hal Maamul oo ay ku mideysan yihiin.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegya in Maamulkiisu u soo dhaweynayo in ay midoobaan Maamuladaasi oo la sameeyo Maamul lagu mideysanyahay oo uu yeesho Gobolkaasi.Axmed Yuusuf Xasan Ciyow ayaa sidoo kale waxa tilmaamay in arintaasi ay kala hadleen Maamuladda qaar si arintaasi loo hir galiyo .
Gobolada Dhexe ee Dalka waxaa ka jira Maamullo kala duwan oo hadana wadashaqeyn wanaagsan aaney ka dhexeen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ahlu sunna iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.