Guddoomiyha Golaha Guurtida Somaliland oo Kalfadhigoodii Maanta ka jeediyey Khudbad dhinacyo Badan taabanaysa

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa kal fadhi ay maanta yeesheen Golaha Guurtida Somaliland  ka jediyey khudbad dhinacyop badan taabanaysa oo ay ka mid ahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland hadda marayso iyo Aragtidiisa ku aadan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland loo doortay.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aaden waxa kale oo uu sheegay iany Gole ahaan soo dhowaynayaan  Madaxwaynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  isaga oo u rajeeyay inuu noqdo Madaxwayne nabadgalyo u horseeda dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Guurida ee Somaliland Saaleeban Maxamuud Aadan waxa kale oo uu ka hadlay hadlay Xalada Siyaasadeed ee Somaliland ay galayso isaga oo sheegay in loo bahan yahay in Xildhibanada Golaha Guurtidu ay ka qaybqaatan sidii doorashadaasi ay nabad ugu dhici lahayd, isaga oo xusay in Golaha Guurtidu Somaliland marxalado badan uu kala soo dabaashay maanta looga bahan in xildhibanada golahu ay Gunta dhiisha isaga dhigan oo ay ka qabtan sidii doorashadaasi ay nabad ugu dhici lahayd.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sidoo kale ha kadlay Dagaalkii dhawaan ka dhacay deeganka Xarshiin ee Ismaamulka Somalida Itoobiya waxanu tilmaamay in ILAAHAY ka baryayaan in Nabadi ay ka dhalato deegankii, isaga xusay in wixii ka Gole ahaa kaga soo hagaga nabadeynta deegankaasi ay ka qaybqadanayaan.

kalfadhigan maanta ee Golaha Guurtida Somaliland  oo ay  60 Xildhibaan ka soo xadireen  fadhigaasi ayaa wax loo qaybiyey Ajanadaha Kalfadhiga 48 aad, oo ay ku jiraan Qodobo ay ka mid yihiin Qaar ka mid ah Wasiirada xukumada oo loo yeedho, wasiirka Cadaaladda, wasiirka Qorashaynta, wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Horumarinta Miyiga Deegank

Buraannews.com/Hargeysa

Comments are closed.

WARARKII