Hilaaca kamuuqda Soomaaliya baarlamaanka ladoortay dib u dhisida kasocota Muqdisho , xildhibaanada lasoo xulay wadanka oo kasii baxaya kumeelgaarka iyo doorashada madaxweynaha maalinka isniinta 10 ka bisha intaas oo la iskudaray ayaa waxay ay dadweynaha Soomaaliyeed ku abuurtay hami, hiddidiilo ,farxad iyo rayn rayn ay is leeyihiin aleylehe silicii lasoo maray waanka mayran doonaa dhawaan .
Dhanka kale waxaa la,orankaraa maskaxdii Soomaaliya manta waxay ku sugantahay magaalada Muqdisho iyadoo dhanka kalena aduun weynuhu ilgaara kuhayaan isbadelka siyaasadeed ee lafilayo, inuu kadhaco muqdisho maalinka isniinta.
Waxaa kaloo loohan weynyahay xildhibaanada cusub oo doorandoona madaxweynaha kuwaasoo shaqsiyadooda ,damiirkooda,iyo magacooduba calaamad su’aal saarantahay iyadoo kalsooni badan lagu qabo lana filayo inay noqdaan kuwo diida laaluushka iyo musuqmaasuqa shariifyadu wadaan kuna dhiiraraan arintaas iyagoo u hiiliniya ciida ,calanka iyo shacabka Soomaaliyeed…
Heshiiska 2da shariif ayaa shariif Sakiin siinayaa ( The ultimate power )taasoo lagu timaami karo inuu sharciga ka sareeyo heshiiskaasna waxaa qaadankara qof ( desperate ) u ah inuu wax walba hakuqaadatee in uu kursiga sii joogo isagoon fiirin danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo kukeenikarta shacabka soomaaliyeed Niyad jab ,dib u dhac iyo hamigii laqabay oo lagu hungoobo,hilaacii la arkayey oo been noqda iyo bulshada caalamka oo noo aragta dad aan damiir lahayn wax walbana lacag lagu gadan karo.
Rajada Kaliya ee Soomaali haysato waa xildhibaanada waxaana idin leenahay taariikhda ayaa qori doonta ee k ala doorta hagardaamada 2da shariif iyo Horumarka Ummada Soomaaliyeed ..
2da Shariif waxay isku raaceen qodobadan hoos ku qoran oo kala ah:
1- In shariif Xasan Sh. Aadan taageradiisa uu ku biiriyo ololaha Shariif Sh.Axmed , xooggana laysugu geeyo sidii uu madaxweynihii hore jagada mar kale ugu soo laaban lahaa.
2- In Madaxweynaha xiligiisu dhamaadey Shariif Sh. Axmed uu uu siiyo Sh. Xasan 3 milyan oo doolar, lacagahaas oo isugu jira Xaalmarin iyo ka iibsi xildhibaanada asaga taageersan.
3- In Shariif xasan abaal marin loo siiyo awood uu kusoo xulo shaqsiga ra’salwasaraha noqonaya, kaasoo noqon doona shaqsi uu isagu saamayn badan ku leeyahay xiliyada soo socda ee uu hogaaminayo golaha wasiirada iyo howlaha xukuumadda. Waxaa kale oo Shariif Xasan uu soo xuli doonaa koox ka mid ah wasiirada soo socda sidii horey u dhacdey xiligii shirkii jibouti.
4- Shariif Xasan Sh. Aadan wuxuu noqon doonaa mar kale wasiirka Maaliyadda iyo Ra’isulwasaare ku xigeen
.
5- Si looga hortago in baarlamaanku luu a yimaado la xisaabtan iyo daba gal liddi ah Shariif Xasan Sh. Aadan waa in lagu dadaalo in gudiga hantidhowrka baarlamaanku noqoda inta badan xubno u dhaw labada shariif, oo ayna iska kaashadaan in anay gudoonka gudigaas qaban shaqsiyaad ka hor imaan karta mustaqablka qorshayaasha ay maaganyihiin.
6- In ay Baarlamaanka ay ku dhex yeeshaan kutlad adag oo lagacago badan la galiyo, taas oo mar kasta difaacda, kana hor tagta hadii mooshinna ka dhan ha xukumadda iyo wasiirka maaliyadda la soo jeediyo.
7- Labada dhinac waxay isku afgarteen in lasii wado heshiisyadii dhinaca badda ee ay horey isula bilaabeen Soomaaliya iyo Kenya, arimahaasna lagu socodsiiyo, laguna bisleeyo hab ka fog saamaynta iyo ka warqabka Baarlamaanka.
AbuKar Awale ( Qaad Diid )
Anti –khat Campaigner
&
Political analysis