Wararka aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay Ciidanka Ammaanka Maamulka Puntland ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo Baaritaanno ah kaasi oo ay ku soo qab qabteen Dad ay kaga Shakiyeen in ay amni darro ka wadeen Magaalada.
Ciidanka sida Qaaska ah u taba baran ee Puntland ayaa halkaasi Howlgal balaaran ay ka sameeyeen waxaana ay kuso qab qabteen Dad ay sheegeen ay sameyn lahaayeen Falal Amni Xumo ah balse ay ka Hortageen .
Ciidanka ayaa ula Dhaqaaqayay Qofkii ay is Yiraahdaan waxaa uu liddi ku yahay Ammaanka Magaalada dhanka Saldhigga Magaaladaasi .
Sidoo kale Ciidanka Ammaaanka ayaa Xiliyada Habeenkii ah siweyn loodareemaa Howlgaladooda iyadoo aad arki karto gaadiidkooda dagaal oo dhex maraya waddooyinka waaweyn ee magaalada
“Waxay ciidamadu xiraan wadooyinka iyagoo roondeynaya waxaana ay ugaarsadaan gaadiidka leh bacaha madow ee looyaqaan Bensolka iyagoona islagoobta ugaga fiiqa” waxaa sidaasi yiri goobjooge ku sugan bartamaha maagalada gaalkacyo oo diiday in magaciiisa lasoo xigto.
Saraakiil u hadashay Maamulka Puntland ayaa waxa ay Sheegeen in howlgaladaani ay sii socon doonaan laguna Xaqiijinayo Ammaanka Magaalaada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Maamulka Puntland Goobaha ay ka arimiso .