Khasaaraha ka dhashay mudaharaadayaal iyo ciidamada amaanka hargeysa oo isku dhacay maanta iyo habeen hore

Mudaharaad rabashado watay oo habeen hore ka bilawday Degmadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa ayaa maantay dib uga soo cusboonaaday, kaas oo ay dhigayeen taageerayaasha Urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka cadhaysan natiijada hor dhaca ah dhaawac, ka dib markii ay isku dheceen Mudaharaadayaashaasi iyo Ciidamada Amaanka Hargeysa oo ka hor tegayey mudaharaadkaasi.

Mudaharaadkan ayaa inta la ogyahay ilaa hadda waxa ku dhintay Sadex qof oo isugu jira Rag iyo Gumar, kuwaas oo ay laba ka mid ahi mudaharaadkaasi ku dhinteen maanta, halka uu midka kalena ku dhinta Habeen hore, waxaana ku dhaawacmay in ka badan Todoba Qof oo la dhagay Cisbitaallada Adna iyo dhakhtarka weyn ee Hargeysa oo lagu daweynayo.

Rabshadahan oo bilaabmay daqiiqado ka dib ku dhawaaqidii natiijadda doorashadda ee degmooyinka Hargeysa, ayaa waxay ka bilaabeen xaafado ka mid ah degmadda Axmed ee Caasimadda Hargeysa, iyagga oo dhalinyaradda rabshadan samaynayaa ay dhagaxaan la dhaceen gaadiid badan oo wakhtigaasi marayey jidadka degmada Axmed Dhagax, iyada oo  ciidamadda booliska  ee RRU iyo SPU-da ah ayaa rabshadahan kaga hor-tagay rasaas nool oo ay kor ugu ridayeen dhalinyarada rabshadahan samaynayey, iyadda oo dhalinyaradu taayiro ku gubay meelo ka mid ah degmadaasi.

Comments are closed.

WARARKII