Xaalad aad u adag oo cabsi gelisay dadka deegaanka ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobolka Jubbada Hoose.
Magaalada maqribnimadii xalay waxaa ka dhacay duqayn kale oo uga timi dhanka badda, waxaana ugu yaraan afar madfac ay kusoo dhacday xaafadda Via Rome ee magaalada.
Duqayntaasi oo dhankaa badda ka timi waxaa ka horaysay duqayn ay shabaabku u geysteen diyaaraddo kuwa dagaalka ah kuwaasi oo dul heehaabaayey hawada magaalada..
Labada duqaymood oo midkiiba uu daqiiqado socday lama sheegin khasaaraha ka dhashay ee soo kala gaaray dadka deegaanka iyo diyaaradahii xabaha kor loogu ridday.
Dadweynaha magaalada waxaa soo foodsaartay cabsi tii ugu darnayd, waxayna ka cabsi qabaan dagaal khasaare badan oo geysta oo qarxa magaalada.
Dhanka dhulka Ciidamadii huwanta ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxay kusoo dhowaanaayaan magaalada Kismaayo.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa Ururka Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ayaa iminka kusugan deegaano ugu yaraan 80-KM u jira magaalada Kismaayo.
Xiriiriyaha hawlaha Bini’aadmanimada Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Mark Bowden ayaa shalay waxa uu sheegay in ugu yaraan asbuucaan dagaal lagu qaadi doono magaalada Kismaayo taasina waxay cabsi hor leh wel weli iyo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.
Dhanka gudaha magaalada shabaabku ma rabaan in ay magaalada ka barakacaan dadka deegaanka, waxayna rabaan in magaalada oo sideeda ay dadku u deggan yihiin uu dagaalku ka dhaco taasina waxay cabsi aad u daran ku abuurtay dadka deegaanka.
Kismaayo waa magaalada ugu weyn uguna muhiimsan ee ay shabaabku ka maamulaan Soomaaliya, Kismaayo waxaa ku taallo deked uu khasrashka ugu badan iminka kasoo galo Al shabaab.
Sikastaba xaaladda magaalada Kismaayo waxaa lagu wada tilmaamay in ay mid riman, balse waxaa la wada sugaayaa wakhtiga ay dhali doonto iyo cidda habaysa ilmaha ay dhasho.