Kooxo Hubeysan ayaa waxaa ay Dhac iyo Boob inataba u geysteyn Idaacad Fm aheyd oo dhawaan laagu Deeqay Maamulma Galmudug ee isagu ka arimiya Gobolada Mudug iyo Waliba Galgaduud.
Qalabkan Idaacadda aya awaxaa Maamulkaasi ugu Deeqay Dowldda Soomaaliya iyadoo Maalmahaanba si tijaabo ah Hawada ugu jirtay .
Shalay ayaa kooxo Hubeysabni waxaa ay Dhac iyo waliba Boob ay u geysteen Qalabkii Idaacadda kuwaasi oo sida la sheegay ku sugan wali Gudaha Magaalada Gaalkacyo .
Wararka ayaa tilmaamaya in kooxa dhaca geystay la garanayo oo ay yihiin Rag laga yaqaan Magaalada waxaana la garaneyn sababka keentay in ay Dhac u geystaan Qalabka Idaacaddan cusub .
Ilaa iminka ma jirto cida ka hadashay dhacan loo geystay Idaacaddaan Fm-ka ah Maamulka Galmudug oo isagu ka arimya halka ay Mashaqadaasi ka dhacday ayaa ka gaabsaday in uu wax Tafaasiil ah ka bixiyo si ay wax u dheceen