Iyadoo maanta ay soo baxeen warar sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay islamarkaana qaraxaasi lala eegtay ciidamada dowladda Ethopia ayaa arintaasi waxaa beeniyay maamulka dowladda ee Gobalkaasi.
Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Dowladda Soomaaliya Xasan Macalin Biikoole kaasi ayaa sheegay in wararka sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Baydhabo ay yihiin kuwa been abuur ah sida uu sheegay . .
Wuxuu sheegay Biikoole in websiteyada qaarkood lagu qorayay wararkaasi sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaalada Baydhabo taasina ay tahay mid been abuur ah loona baahan yahay in warka la iska hubiyo
Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in jawiga Magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana caqabad aysan ka taagneyn magaalada ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaladaasi.
Hadalka Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli warbaahinta qaarkood ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay Magaalada Baydhabo islamarkaana ciidamada Ethopia lala eegtay.
Ciidamada Ithopia aya Gudaha u soo galay Soomaliya daba yaqadii Sanadkii hore waxaana ay ku sugan yihiin Magaalooyin ay kamid tahay Beydhabo waxaana xilliyada qarka dhaca qaraxyo la,la eeganayo ciidanka dowladda iyo sidoo kale kuwa Ithopia ee iyagu jooga Magaaladaasi