Maamulka Puntland Oo Galmudug Ku Ee Deeyay Madaafiic Ku Dhacday Xaafadaha Waqooyiga Gaalkacyo

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo Taliye Ku xigeenka Ciidamada Baliiska Gen-Muxudiin Axmed Muuse Oo Maanta Si Wada jira ah Saxaafada Kula Hadlayay Xarunta Gobolka mudug Ayaa waxaa ay si kulul uga Hadleen Madaafiic a oo maantay ku dhacay xaafado kamid ah waqooyiga gaalkacyo
Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey Oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan u dul qaadan doonin in la dhibaateyo shacabka reer puntland wuxuuna Maamulka Galmuduguga digay dhibaatada soo laa laabatay ee lagu wax yeelaynayo shacabka reer puntland ee magaalada gaalkacyo
Dhinacakele Taliye ku xigeenka Ciidamada Baliiska Puntland Muxudiin Axmed Muuse ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeyo sugida amaanka guud ahaan Gobolka Mudug wuxuuna intaa ku daray In si Dag dag ah Loo soo Daayo Dadka lagu haysato Dhinac Galmudug islamarkaana laga wada hadlo dhibaatad iyo sidii wax looga qaban lahaa

inkastoo ay xaaddu tahay mid iska dagan hadana rasaasta habowga ah ee ku dhacday xaafadaha waqooyi ayaa ahaa kuwa laga riday dhanka koonfurta gaalkacyo

Comments are closed.

WARARKII