Maamulka Soomaali land oo Sheegay inay soo dhaweynayaan Wadahadal dhexmara Soomaliya iyo Maamulka soomali Land

Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Maamulka lamagac baxay Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ka hadlay wada hadalo dhex maray maamulka Soomaaliland iyo dawlada Soomaaliyaa isagoona arintaasi sheegay inay soo dhaweynayaan.
Dr Maxamed Cabdullaahi ayaa tibaaxay inay ugu hanbalyeeynayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaana uu dhinaca kale sheegay inuu ku soo dhaweynayo wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo maamulkooda.

Wasiirka Wasaarad sooomaalialnd oo la hadlay wakaaladaha wararka ayuu sheegay in wadahadal dhexmara Soomaaliland iyo Dawlada Soomaaliya uu yahay mid loo baahan yahay hayeeshee waxa uu meesha ka saaray in wadahadalkaasi uu ku jiro midnimo mar kale dhexmarto Koofurta iyo waqooyiga Soomaalia.

“Waxaan idiin sheegayaa in aan soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadanaa in lasii xoojin doono wadahadalkii udhaxeeyay labada dhinac waxaase cadeyneynaa inaan la midoobi doonin Soomaaliya,sidaa waxa yiri wasiirka Arimaha Dibada Somaliland”.

16-kii Bishan khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku sheegay inay sii wadi doonaan wadahadaladii bilowday ee udhaxeeyay maamulka Soomaaliland iyo Dawlada Soomaaliya.

Maamulka Soomaaliland ayaa ka go’ay koofurta Soomaaliya siday sheegteen sanadkii 1991-kii ilaa waqtigaasna ma aysan helin aqoonsi dawlad ahaana.

 

Comments are closed.

WARARKII