Madaafiic haboow ah oo aan lagaranayn halka ay kayimaadeen isla markaana aan dhalin khasaaro ayaa maantay ku dhacay xaafada Israac ee waqooyiga magaalda gaalkacyo
Inkastoo hubkaasi ay ahaayeen kuwa aad uxoogan oo sababay bur burka guriyihii ay ku dhaceen hadan majirin wax khasaaro nafayd ah oo ka dhashay
Maamulka Gobalka Mudug Saraakiisha Puntland iyo dad farabadan ayaa tagay goobtii ay ku dhaceen madaafiicda waxaana halkaasi kahadlay Taliye kuxigeenka Booliska Muxudiin wuxuuna sheegay in madaafiicdaan ay kayimaadeen dhanka koonfurta ee maamulka galmdug isla markaana ay ugu baaqayaan madaxda galmudug in hubka sharcidarada ah ee lagu dhaxridayo Magaalada ay keeni karto qal qal bulshada ah isla markaana samaaeyn uu kuyeelankaro hantida shacabka
Taliyaha ayaa sidookale wuxuu ka hadlay in hubkii saakay kusoo dhacay xaafadda israac guri kuyaal uu bur buriyey saqafka kore ee guri balse uusan dhibaato kale gaysan wuxuuna soo jeediyey in hubka baroobada ah laga dhex saaro magaalda gudaheeda banaanka magaalda gaalkacyo lageeyo
Gudoomiyaha gobalka mudug maxamed yuusuf jaamac tigeey ayaa maamulka galmuudg ka codsaday in ay malayshiyaadka hubka ku dhexsita gobalaka uu amaanka wax udhibikaro isla markaana labada maamul ay iska kaashadaan
Sikastaba hubkaan manta ku dhacay xaafadda israac ayaa imaanta xilli gaalkacyo aysan kajirin wax dagaal ah lamina garanayo in hubkii saakay uu ahaa mid barooba ah ama mid ay malayshiyaadku dana kalahaayeen waxana maamulka galmudug madaxdiisa laga dhowrayaa wax kaqabashada hubka ku jira gacmaha malayshiyaadka oo mararka ay ridaan qasaaro ugaysta shacabka gobalka mudug