Madaxdhaqameed ka soo jeeda Deegaanadda Waqooyiga Hargeysa, gaar ahaa beesha H Sacad Muuse , ayaa si weyn ugu qayliyay go’aan ay xukuumada Somaliland ku doonayso in xal loogu raadiyo khilaafka ka taagan dhulka lagu muransan yahay ee u dhexeeya gobolada Awdal iyo Marood-jeex, iyaga oo arrintaas ku tilmaamay jawrfal siyaasadeed oo lagula wareegayo dhul ay hore ugu noolaan jireen.
Sallaadiin iyo wargaradka kale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel-ka Guuleed ee Magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in aanay aqbali doonin natiijada ka soo baxda qorshaha xukuumada, waxaana ay ku goodiyeen in ay qaadi doonaan tallaabo ay dib ugu qabsan doonaan dhulkaas.
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub boo ka mid ahaa Sallaadiinta ka hadashay shirka jaraa’id, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay qoraal uu kaga talo bixinayo xalka dhibaatan jirta, in uu masuul ka yahay muran soo cusboonaday. “ Kala xadayntu dalku waa sidii 1960-kii ee dastuurku tilmaamayo , sidaa si aan ahayn oo meesha taallaa ma jirto , aniga oo tixraacaya nin wasiir ah oo malin dhaweyd dhuumasho ku soo galay Lughayaha iyo Cabdi Geedi , ayaa waxa uu yidhi Madaxweyne guddi shan qof ah ha loo saaro , taa waxa aan leeyahay meeshu maaha laba baloodh oo la isku hayso waa dhul ballaadhan oo ah 800 KM oo Sq ah oonu leenahay anagu weeyi , cid aanu ku wada hadli karnanaa ma jirto dhulka iyo dalka waa kala leeyahay dhulku waa Somaliland haddan waa kala leeyahay . Dhulkaa Waqooyiga gobolka Hargeysa illaa xeebtiisa iyo Gabiley aan ku gor-gortami karnaa ma jirto , ninka leh xabaalo ayaad ku sheeganaysaan , anigu xabaalo ayaanu ku sheeganaynaa waxa aanu leenahay aduu wax aad ku sheeganaysaa ma jirto , nimankan halkan ka hadlaya waxa aan leeyahay meelihii aad ka timaadeen iyo Harawo ku noqda.” Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Sulub.
Suldaan Mawliid Cali Sabayso , ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici , uu yahay xudunta mushkilada dhulkaas, iyada oo ay xasaasiyadi ka dhalatay booqasho uu sannadkan gudihiisa ku tagay xeebaha gobolada Saaxil iyo Awdal.“ Duur ayuunbaad tilmaaysanaa Madaxweyne ku xigeenka halkan fadhiya ayaa horta hawshan wada, xildhibaanaa wada, Sallaadiinbaa wada , odayaal baa wada, aqoonyahanaa wada beenbaana loo sheegay , wax anigu yay inagu xidhan yihiin , waxna Siilaanyo yay ku xidhan yihiin waxna Samaroonbay dan u yihiin , wax aniga yay inagu xidhan yihiin cida waxeedii muranka la gelinayaa waa inaga , taasi kolba halka ay inagu isdhigno ayuunbay wax ku soconayaan , Madaxweyne ku xigeenku halkaas inta uu ka cararay xeebtuu ka wareegay Mashruuca kalluumaysiga kii Ina Aw Siciid ee caalamiga ahaa ninka ka hawlgalay ee horjoogsaday waa Saylici” Ayuu yidhi Suldaan Mawliid Sabayso.
Waxa kale uu ka hadlay kulan ay la yeesheen madax-dhaqameedka beeshiisu Madaxweyne Siilaanyo oo ay kaga hadleen dhibaatada deegaanada Waqooyi.“ Laba qodob ayuun baanu kuugu nimid Madaxweyne , anaga dhulka waxba nagama yaallaan , Gudabuursina ku murmayno gobolka Maroodi-jeex Baddiisa , Hargeysa noo dhex wareegaysan maayaan , halkaana kharbudi maayaan oo dadkayaga camaalaq la daba socon maayaan , adaa noo dhexeeya na kala hag, haddii kale anagaa ka iska qabanayna , waxbaan ka qabanayaa ayuu yidhi waxna kuuma qaban , jawaabtu waxa ay noqotay in Duur inta uu Koonfur Afrika ka soo duulo Lughaya inlagu casuumo oo uu fadhiyay oo dad gawaadhi lagu soo guray oo la keenay Cabdi Geedi oo la geeyay Ceel –Lahelay oo yidhi Duur marka uu idin soo maro gacmaha taagay”
Buraannews.com/Hargeysa