Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr-Faroole oo Maanta Aqalka Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaasi ku qaabiley Wefti ka timid Uk oo Horkacayo Wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan arrimaha somaliya Mr.Micheal Caravan ayaa Madaxwayne Faroole kulankaasi ka dib warbaahinta uga waramay waxyaalihii u qabsoomey oo kulankan ay uga wada xajodeen.
Madaxwaynaha ayaa Sheegay in kulankani uu ahaa Mid xog kala qaadasho ah xaaladaha wadanka somaliya iyo Doorka dowlada Puntland Waxayna isla soo qadeen Arrimaha Xasiloonida Dhaqaalaha iyo IWM.
Kulankan ayaa waxaa madaxdaasi ku gacan qaaday isla markaasina kulanka ku soo xaadiray badi golaha xukuumada Puntland oo ugu Horeeyo Madaxwyanaha ku-Xigeenkiisa iyo xubno ka mida Golaha Wasiirada Puntland waxaana uu ku soo dhamaaday kulani oo ahaa mid weji cusub u faraya isbarasho iyo wadda shaqayn dhexmaridoonta Wakiilada Yurub Puntland Jawi aad u degan.